Wararka

Tuesday January 08, 2013 - 22:15:13
Visits: 2469
0 Comments
Super Admin
Guddoomiyaha Xiriirka kubada cagta dalka Jabuuti Suleymaan Xasan waaberi oo ku sugan xarunta FIFA uuna wehlinayo wasiirka sportiga dalkaasi Dr Jaamac Cilmi Cukiye ayaa balan qaaday in uu xooga saari doono horumarinta kubada cagta ee iskuulada iyo tan gabdhaha, waxaana uu hadalkaasi ka sheegay kulankii…
Saturday December 22, 2012 - 10:29:49
Visits: 2648
0 Comments
Super Admin
FC Banadir oo hanatay horyaalnimada sanadka 2012 ee tartanka horyaalka heerka 3-aad ee kubada cagta dalka Soomaaliya ayaa u dabaal degtay guusheeda munaasabad ka dhacday baarka weyn ee LIDO Seafood ee ku yaala xeetba Liido ee magaalada Muqdisho shalay jimcihii, munaasabadaas oo ay kasoo qeyb galeen…
Sunday November 18, 2012 - 16:34:50
Visits: 2177
0 Comments
Super Admin
Talaabadiisii ugu horeysay isagoo ah guddoomiyaha xiriirka kubada cagta ee dalka Jabuuti ahna xeer ilaaiye FIFA iyo Macalinka garsoore yaasha Africa ee CAF Mr. Suleymaan Xasan Waaberi waxaa uu maanta oo Axad ah hogaamiyay munaasabad balaaran oo lagusoo gabagabeynayay horyaalada kubada cagta dalka Jabuuti…
Saturday November 03, 2012 - 15:45:02
Visits: 2611
0 Comments
Super Admin
Maamulka Ximan iyo Xeeb ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegay in tababarro dhanka kubada cagta ah oo lagu qabtay Magaalada Cadaado ay sare usii qaadeen rabitaanka kubada cagta ee shacabka ku nool deegaanada uu maamulku ka arrimiyo, taas oo kusoo beegmeysa iyadoo xiriirka Soomaaliyeed ee kubada…
Thursday November 01, 2012 - 10:52:55
Visits: 2092
0 Comments
Super Admin
Doorashada xiriirka kubada cagta ee dalka Jabuuti ayaa lagu dhawaaqay in ay dhici doonto 10-ka bishan November halkaas oo ay soo gaari doonaan saraakiil sar sare oo ka socota Ururka kubada cagta aduunka ee FIFA si ay goob joog uga ahadaan doorashada, sida uu sheegay Suleymaan Xasan Waaberi oo ah xeer…
Tuesday October 30, 2012 - 09:59:42
Visits: 3397
0 Comments
Super Admin
Xulka Qaranka kubada cagta dalka Soomaaliya ee lagu naaseedo "Ocean Stars" ayaa loo qaadi doonaa dalka Uganda si ay tababar ugusii qaataan ka hor cayaaraha CECEFA ee dabayaaqada bisha November ka furmaya magaalada Kampala, sidaasi waxaa sheegay masuul sare oo ka mida xiriirka Soomaaliyeed ee…
Tuesday October 09, 2012 - 21:17:32
Visits: 3708
0 Comments
Shaafici Muxyidiin
Kulanka oo ahaa mid darbi ah ayaa waxaa galabta garoonka Jaamacadaha ee Degmada Hodan isaga horyimid labada kooxood ee Horseed iyo LL.PP. Jeenyo. Waxa galabta garoonka ka dhacay way ka duwanaayeen ciyaarihii horay loo soo arkay ee Horyaalka, marka la eego ciyaarta, goolasha la kala dhaliyey iyo taageerayaasha…
Monday October 08, 2012 - 22:39:06
Visits: 2525
0 Comments
Super Admin
Kooxda Horyaalka difaacaneysa ee Elman ayaa maanta fara-ciddi leh ku guuleysatay intii ay socotay ciyaar u muuqatay in ay bar bar dhac ku dhamaaneyso kaddib markii ay goolka guusha heshay daqiiqadii 90-aad ee cayaarta xili garsooruhu afka ku hayay seeriga, waxaana cayaartu ay ku dhamaatay 3-2.
Friday October 05, 2012 - 21:50:29
Visits: 6221
0 Comments
Shaafici Muxyidiin
Cayaar aad u adkeyd oo ka mida horyaalka heerka 1-aad ee Soomaaliya xilli cayaareedka 2012 ayaa galabta waxaa isaga hor yimid naadiyada Banaadir Sports Club iyo Heegan garoonka jaamacada ee magaalada Muqdisho waxaana ay ku dhamaatay is mari waa 1-1 ah.
Sunday September 30, 2012 - 19:40:22
Visits: 2636
0 Comments
Shaafici Muxyidiin
Naadiga Banaadir Sports Club oo ka mida naadiyada waaweyn ee u hanqal taagaya in ay ku guuletsyaan koobka horyaalka heerka 1-aad ee dalka Soomaaliya ayaa maanta 2-0 ugu awood sheegatay kooxda Horseed, si ay usoo hiigsato kaalinta 3-aad ee tartanka.
Sunday September 23, 2012 - 16:16:57
Visits: 2847
0 Comments
Shaafici Muxyidiin
Xulka guuleystay ee kubada cagta dalka Soomaaliya ee da'doodu ka yartahay 17-ka sano ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho, waxaana soo dhaweyntii maanta lagu tilmaamay tii ugu weyneyd ee loo sameeyo xul qaran muddo ka badan 20 sanadood.
Sunday September 23, 2012 - 01:14:03
Visits: 1862
0 Comments
Shaafici Muxyidiin
Magaalada Dar Es Salaam ee xarunta dalka Tanzania waxaa maanta gellinkii dabme ka dhacday munaasabad weyn oo lagusoo gabagabeynayay Tababar heer caalami ah oo ay FIFA u qabatay macalimiinta garsooreyaasha ee dalalka Africa ee luqada Ingiriiska ku hadla, waxaana Soomaaliya oo wiilasheeda yaryarka ahi…