Wararka

Monday December 01, 2008 - 09:38:05
Visits: 7606
1 Comments
Shaafici Muxyidiin
Guddiga farsamada ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ayaa shaaca ka qaaday in laba cayaaryahan oo ka mid ahaa cayaaryahanadii ka qeyb galay tartarnkii 18-aad ee gobalada wareegiisii shalay lagusoo gaba-gabeeyay magaalada Garowe si rasmi ah loogu soo biiriyay xulka qaranka Soomaaliya.
Sunday November 30, 2008 - 21:05:41
Visits: 8409
4 Comments
Shaafici Muxyidiin
Galabta ayaa garoonka Mire Awaare ee magaalada Garowe waxaa ka dhacday cayaar final u ahayd wareega labaad ee cayaaraha 18-aad ee kubada cagta gobalada Soomaaliya waxaana cayaartii galabta isku haleelay gobalada bari iyo Nugaal oo kaalinta koobaad u tartamayay.
Saturday November 29, 2008 - 20:00:32
Visits: 9610
9 Comments
Shaafici Muxyidiin
Waxaa heer gabo gabo ah maraya tartanka kubada cagta 18-aad ee gobalada dalka Soomaaliya oo qeyb ahaan iminka ka soconaya magaalada garowe ee xarunta maamul gobaleedka Soomaaliyeed ee Puntland waxaana tartanka oo semifinalkiisu soconayo galabta la macsalaameeyay xulka gobalka Mudug oo sidaa ku haray.
Saturday November 29, 2008 - 18:34:37
Visits: 2349
0 Comments
Shaafici Muxyidiin
Ku simaha guddoomiyaha guddiga Olombikada Soomaaliyeed Aadan Xaaji yabarow (Wiish) ayaa ku amaanay xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta talaabada horumarka leh ee uu horay u qaaday waxaana uu ku guubaabiyay xiriirada qaran ee kale ee hoos yimaada GOS in ay maseyraan oo ku daydaan xiriirka kubada cagta.
Saturday November 29, 2008 - 13:08:39
Visits: 2187
1 Comments
Shaafici Muxyidiin
Munaasabad si heer sare ah loosoo agaasimay oo lagu maamuusayay soo andhigitaanka wax qabadka xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta sanadka 2008-da ayaa waxaa maanta lagu qabtay xarunta guddiga Olombikada Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho,wax qabadkaas oo ay ka mid tahay in xiriirku uu sanadkan hawada…
Sunday November 23, 2008 - 22:51:57
Visits: 2898
2 Comments
Shaafici Muxyidiin
Iyadoo garoonka Mire Awaare ee magaalada Garowe ay si xoosa leh iminka uga soconayaan cayaaraha 18-aad ee goballda dalka Soomaaliya oo wareegoodii labaad uu soconayo ayaa waxaa galabta wada cayaaray goballada Mudug iyo Bari,waxaana cayaartani ay ka mid ahayd cayaarihii ugu dawashada badnaa tan iyo intii…
Friday November 21, 2008 - 10:13:42
Visits: 2228
0 Comments
Shaafici Muxyidiin
Guddoomiye ku xigeenka guddiga Olombikada Soomaaliyeed ee xiriirka Caalamiga ah Mudane Duran Axmed Faarax ayaa amaan iyo bogaadin usoo jeediyay xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta oo haatan wada mid ka mida howlihii ugu balaarnaa ee lagu horumarinayo cayaarta kubada cagta ee dalka Soomaaliya.
Friday November 21, 2008 - 09:52:31
Visits: 2540
0 Comments
Shaafici Muxyidiin
Guddoomiyaha Ururka Saxafiyiinta Isbooriga Soomaaliyeed Mudane cabdi Casiis Goodax Barre ayaa madaxda iyo guud ahaan xubnaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ugu hambalyeeyay wax qabadkoooda gaar ahaana cayaaraha gobalada ee uu xiriirku haatan qeyb ka mida ku qabanayo magaalada garowe ee xarunta…
Friday November 21, 2008 - 08:44:34
Visits: 2447
1 Comments
Shaafici Muxyidiin
Shalay gellinkii dambe ayaa garoonka Mire Awaare ee magaalada Garowe waxaa ka furmay wareega labaad ee is reeb reebka cayaaraha kubda cagta 18-aad ee gobalada dalka Soomaaliya waxaana madaxweyne Ku xigeenka maamulka Puntland Xasan Daahir Afqurac lagu sharfay in uu cayaarta furo,iyadoo xiligaana ay is…
Thursday November 20, 2008 - 09:11:07
Visits: 2524
4 Comments
Shaafici Muxyidiin
Alle ha u naariistee Guddoomiyihii hore ee kubada cagta Soomaaliya iyo guddiga Olombikada Soomaaliyeed faarax Wehliye Cadow Sendiko ayaa xalay abaara 10:30 habeenimo waxaa uu ku geeriyooday magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar,isagoo dhawaana kasoo laabtay dalka Mareykanka.
Wednesday November 19, 2008 - 13:21:21
Visits: 2098
0 Comments
Shaafici Muxyidiin
Xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cabgat Mudane cabdi Qani Saciid carab oo goor dhoweyto qadka teleefonka ugu warramay waaxda warfaafinta ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ayaa shaaca ka qaaday in barri oo khamiis ah gellinka hore magaalada Garowe ay ka dhici doonto munaasabad…