Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif oo sheegay in isboortigu uu gacan ka geysan karo nabadeynta iyo is dhex galka bulshada {Kunlan uu la yeeshay xoghayaha guud ee xiriirka kubada cagta Mudane Cabdi Qani}

Sunday February 01, 2009 - 17:24:42
0 Comments
2970
Shaafici Muxyidiin
Madaxwedynaha cusub ee jamhuuriyadda Soomaaliya sheekh shariif Sheekh Axmed ayaa ka cosdaday xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta in uu kala shaqeeyo nabadeynta iyo is dhexgalka bulshda iyadoo dhinaca cayaaraha kubada cagta loo marayo.


Madaxweynaha cusub ayaa codsigan u jeediyay xiriirka kubada cagta intii uu socday kulan uu xalay Hotelka campinski ee magaalada Jabuuti kula yeeshay xoghayah guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Mudane Cabdi Qani Saciid Carab.

 

Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa si weyn ugu mahadceliyay xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta, waxaana uu ka codsady madaxda xiriirku in ay nabada kala shaqeeyaan maadaama uu isboortigu yahay mid ka mida waxyaabaha ugu waaweyn ee nabada abuuri kara.

 

“Isboortigu waxaa uu muhiim u yahay bulshada,nabadeynta iyo hanuuninta dhalinyarada oo uu ka hor joogsadaa wax yaabaha xun xun sida adeegsiga maan dooriyaha oo kale”ayuu madaxdweynaha Soomaaliya u sheegay xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Mudane Cabdi Qani.

 

Madaxwynuhu waxaa uu sheegay in uu aad ugu kalsoonyahay in xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagtu uu xukuumadiisa cusub ka gacan siin doono soo celinta nabada isagoo sheegay in kubada cagtu ay tahay tan ugu weyn hey’adaha arrimaha bulshada ka shaqeeya.

 

“Aad ayaan ugu faraxsanahay in xiriirka kubada cagta Soomaaliyeed uu noqday hey’adii ugu horeysay ee xaga bulshada ah oo aan la kulmo tan iyo doorashadaydii”ayuu kulanka ka sheegay madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif.

 

“Dowladaydu isboortiga gacan ayay siin doontaa”ayuu mar kale yiri madaxwynaha Soomaaliya Sheekh shariif.

 

Xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Cabdi Qani Saciid Carab ayaa dhankiisa u hambalyeeyay madaxweynaha cusub isagoo ku hadlayay magaca xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta.

 

“Ujeedada kulanka aan la yeeshay madaxweynaha waxaa ay ahayd in xiriirku uu muujiyo taageerada uu u hayo dowlad Soomaaliyeed oo loo dhan yahay,waxaana madaxweynaha u balan qaaday in aan kala shaqeyn doono isu keenida bulshadii kala irdhowday iyo arrimaha nabadda iyadoo dhanka cayaaraha kubada cagta ah aanu u mareyno”ayuu yiri xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta.

 

Waxaa ay ahayd bartamihii bishi janaayo markii maamulka maxkamadaha Islaamiga ee uu Sheekh shariif hogaamiyo xiriirka kubada cagta Soomaaliya ku waraajiyeen garoonka Stadium Muqdisho maalin uun kadib markii ay halkaa ka bexeen ciidamo Itoobiyaan ah oo muddo laba sanadood ah daganaa.

 

Somali football press department

Contact: Somalifootballmedia@gmail.com

Cell phone +25250 969815

Office: +2521 220176



Leave a comment