Guddiga Olombikada Soomaaliyeed iyo RAAD TV oo heshiis wada shaqeyneed kala saxiixday.

Tuesday December 02, 2008 - 20:50:05
0 Comments
2711
Shaafici Muxyidiin
Guddiga Olombikada qaranka Soomaaliyeed oo ku duulaya xiriiradiisa ay kubada cagtu ugu horeyso iyo Teleefishinka RAAD TV International ayaa maanta heshiis wada shaqeyneed ku kala saxiixday kulan ka dhacay xarunta guddiga Olobikada Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho.


Labada dhinac ayaa si wda jir ah u saxiixay heshiis qeexaya in Teleefishinka RAAD uu mudnaanta koobaad siinayo tebinta dhacdooyinka isboortiga Soomaaliya ee dalka gudihiisa iyo dibadiisaba ka dhacaya si dadka ehelka u ah isboortiga loogu dhiiri geliyo shaqada qaran ee ay u hayaan dalka.

Ku simaha guddoomiyaha GOS Aadan xaaji Yabarow Wiish oo hadal ka jeediyay munaasabadii saxiixa hesiiskii dhex maray labada dhinac ayaa uga mahad celiyay Teleefishinka RAAD dadaalkiisa joogtada ah ee ku aadan tebinta dhacdooyinka Isboorti ee dalka Soomaaliya.

“Taariikhda isboortiga Soomaaliya ayaa xusi doonta TV-ga RAAD oo muujiyay wada shaqeyn saxiibtinimo iyo wax qabad la taaban karo taasina shacabka Soomaaliyeed ma halmaami doonaan”ayuu yiri ku simaha guddoomiyaha GOS.

 “Waxaanu rajeyneynaa in talaabada RAAD TV uu horay u qaaday ay u googol xaari doonto wada shaqeyn dheeraada oo mustaqbalka dhex marta bahda Isboortiga Soomaaliyeed iyo qeybaha kala duwn ee saxaafada”:ayuu mar kale yiri ku simaha guddoomiyaha GOS.

Agaasime ku xigeenka RAAD ee xafiiska Muqdisho Cali Xaashi Cali ayaa dhankiisa sheegay in ay ka go’antahay si maalinle ah in ay dhacdooyinka Isboortiga u tebiyaan,waxaana uu mahad celin gaar ahaaneed u jeediyay Xiriirka kubada cagta Soomaaliya.

“Waxaanu u shaqeyneynaa shacabka Soomaaliyeed tanina waxaa ay ka dhigantahay balaarinta shaqadii aanu u haynay qaranka Soomaaliyeed”ayuu hadalkiisa sii daba dhigay agaasime ku xigeenka TV-gu.

Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Mudane Siciid maxamuud Nuur Mugaabe oo isna arrinkan ka hadlay ayaa heshiiskii maanta labada dhinac ay gaareen waxaa uu ku tilmaamay talaabo dhaxal gal ah oo horay loo qaaday.

Madax sar sare iyo xubno ka kala socday dhamaanba xiriirada qaran ee isboortiga Soomaaliyeed ayaa goob joog ka ahaa munaasabadii labada dhinac maanta heshiiska ku kala saxiixdeen oo saxaafada gudaha iyo dibadaba lagu casuumay.

 Somali football press department

 

Contact:somalifootballmedia@gmail.com



Leave a comment