Ciyaarihii Eursom oo si habsami ah uga socda magaalada Leicester!!

Monday September 01, 2008 - 13:44:10
0 Comments
2199
Shaafici Muxyidiin
Waxaa manta oo Axad ah weli ka socda magaalada Leicester ee wadanka Ingiriisaka qaybihii kala duwanaa ee ciyaarahii EuroSom.

Waxaa hadaba sida aan kor idiinku sheegnay dhacay ciyaaro kala duwan kuwii ugu xiisaha badnaa yaa waxay ahaayeen kuwii kubadda cagta, waxaa hadaba aqaristow idiinsoo gudbinaynaa ciyaarihii manta laciyaaray iyo sidii ay u dheceen ,Waxaa wada cayaaray afarkooxood oo isku qayb kuwada jiray kuwaas oo kala ahaa Al-Hijra, Birmingham, Kanava, Gotenburg.

Ciyaartii kowaad waxaa wada ciyaaray labada kooxood eek ala aha Al-Hijra iyo Birmingham, ciyaartan ayaa aheyd ciyaar aad u xiso badney oo dadbadana ay u oo daawasho tageen, ciyaartan ayaa wixii lays weeraraba gabagabaddii ku dhamaatay 4 gool oo ay guushii ku raacdey kooxda Birmingham, halka ay kooxda Al-Hijra ka dhaliyaaen 2 gool.

Ciyaartii labaad waxaa ay dhexmartay labada kooxood eek ala ah Knava iyo Gotenburg ciyaartan ayaa aheyd mid kale oo aad u adkeyd, werar iyo weerar celis ka dib waxaa ay ciyaartaas ku dhamaatay 4 gool oo ay Kanava ku badisey, halka aya Gotenburg waxba la imaan.

Ciyaarahan waxaa ay  usocdaan si wanaagsan, mar aan wareysi layeeshay Gudoomiyaha Gudiga Farsamada iyo Anshaxa Garsoore  Moalin Muridi Zein oo aan weydiiyey su;aalo kusabsanaa xaga nidaamka garsooridda, waxaana uu iigu jawaabay “Ciyaarahan EuroSom garsoorayaashooda waxa ay yihiin kuwo ka yimid Xiriika kubadda cagta ee Ingiriiska (The FA). Isla isagii oo jawaabtii ii sii wada waxaa uu yiri “Maamulka ciyaarahan waxaa uu Qodobadiisa ku salaysan yahay kan FiFA .

Sidoo kale gudoomiyaha Gudiga qabanqaabada ciyaaraha EuroSom Leicester 2008 Mudane Saneey ayaa isagana  waxaa uu ii sheegay ilaa iyo hadda ineysan jirin  wax dhibaato ah, kuna faraxsan yahay sida sharafta leh e looga soo qayb galay ciyaarahan.



Leave a comment