Guddoomiyaha Elman FC oo is casilay, sheegayna in uu kooxda sii garab taagnan doono.

Tuesday April 14, 2020 - 16:59:13
1 Comments
1879
Super Admin
Guddoomiyaha Naadiga Kubbadda Cagta ee Elman, Cabdirisaaq Faarax Cumar (Goroje) ayaa maanta ku dhawaaqay in uu iska casilay xilka guddoomiyenimada, kaddib muddo 2 sano ah oo uu xilkaas hayay.


Mudane Goroje oo is casilaaddiisa kaga dhawaaqa magaalada London ayaa sheegay in uu ka tagay oo kaliya xilka guddoomiyenimada arrimo isaga u gaar ah awgood, laakin Elman ay mar kasta ahaan doonto naadigiisa uuna aad u jecel yahay.

"Inta badan nolosheyda waxaan ku soo dhex jiray kubbadda cagta walina waan ku dhex jiraa, waana jeclahay kubbadda cagta. Waana jeclahay naadiga Elman, Waxaan ka tagay oo kaliya xilkii aan ka hayay, laakin waxaan caddeynayaa in aan diyaar u ahaan doono in aan kooxdeyda ku caawiyo wax kasta oo ay iiga baahto mustaqbalka, waxaana kasii mid ahaan doonaa bahweynta kubbadda cagta Soomaaliya”ayuu yiri guddoomiye Goroje.



"Xilka guddoomiyenimo ee nadiga Elman FC ayaan ka tagay oo keliya sababo la xiriira aniga oo aan u heli karin waqti igu filan oo aan kusii hoggaamiyo, taas ayaana ah sababta is casilaaddeyda. Wali jacayl aad u weyn ayaan u hayaa habweynta Elman, waxaana mar kasta ku faraxsanahay in aan caawiyo Elman iyo xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya intii karraankeyga ah”ayuu hadalkiisa sii daba dhigay Mudane Goroje.

Intii uu talada hayay waxaa naadiga Elman loo aqoonsaday naadigii ugu fiicnaa dhanka maamul wanaagga sanadkii 2019, iyadoo guddoomiye Goroje abaal marinta lagu guddonsiiyay xafladii abaal marinnada kubbada cagta Soomaaliya ee dhacday horraantii janaayo ee sanadkan.

Mudane Goroje ayaa ah macallin dhanka gool-heynta ah wuxuuna shahaado heerka 1aad ah ka heystaa FA-ga Ingiriiska. Dalka Soomaaliya ayuu 3 sano ka hor ka hir-geliyayakadeemiyada tababarka gool-hayennimada, si dalkiisa uu wax ugu qabto, waxaana ka faa’iideystay caruur badan oo Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha is casilay ee naadiga Elman ayaa ah aabaha dhalay Yoonis Faarx oo ka tirsan cayaartoyda xulka qaranka Soomaaliya ee sameeyay taariikhda aan horay u dhicin kaddib markii ay sanadkii hore Soomaaliya ku hoggaamiyeen in ay badiso cayaar ka tirsan is reeb reebka FIFA World Cup oo Soomaaliya intii ay jirtay aanay waligeed badin.

Somali Football Federation Media Department

Email:info@somsoccer.com



Leave a comment