Xiddiggii hore ee Qaranka iyo Horseed AUN Saciid Ducaale oo geeriyooday.

Wednesday April 01, 2020 - 11:19:10
0 Comments
1309
Super Admin
War aan wanaagsanayn ayaa kasoo yeeray dalka Yemen halkaas oo uu maanta kiu geeriyooday cayaaryahankii hore ee xulka qaranka Soomaaliya iyo naadiga Horseed, Saciid Ducaale.

Alle ha u naxariistee Saciid Ducaale oo muddooyinkan ku xanuunsanayay magaalada Cadan ee dalka Yemen ayaa maanta geeriyooday. AUN Sacid Ducaale ayaa sanadihii lixdameeyadii ksoo muuqday garoomada kubbada cagta dalka Soomaaliya waxaana uu ahaa cayaaryahan waqti aad u fiican ku qaatay xulka qaranka iyo naadiga Horseed.

Dadkii ay isku xilliga ahaayeen ayaa sheegay in AUN Saciid Ducaale uu ugu yaraan hal gool dhalin jiray mar kasta oo uu garoon galo, waxaana ilaa iyo hada loo aqoonsan yahay xiddiggii ugu wanagsanaa ee soo mara qaranka Soomaaliya.



Guddoomiyaha xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya Cabdiqani Saciid Carab ayaa tacsi u diray guud ahaan ummadda Soomaaliyeed gaar ahaana ehelada marxuumka iyo bahweynta kubbadda cagta Soomaaliya oo uu uga tacsiyeeyay geerida naxdinta leh ee ku timid Alle ha u naxariistee marxuum siciid Ducaale. Marxuuka oo ku geeriyooday da’da 75 sano ayaa ku dhashay dalka Yemen waxaana dhalay aabe Soomaali ah iyo hooyo yemeniyad ah.

Waaxda warfaafinta xiriirka kubbadda Cagta Soomaalya

Email:info@somsoccer.com

 



Leave a comment