Xulka qaranka Soomaaliya oo soo diray farriin wacyi-gelin ah oo ka dhan ah cudurka COVID-19.

Monday March 30, 2020 - 14:18:39
1 Comments
1979
Super Admin
Cayaartoyda xulka qaranka Soomaaliya ayaa soo diray fariimo wacyi-gelineed oo ka dhan ah cudurka dilaaga ah ee Coronavirus, iyagoo kusoo biiray ololaha caalamiga ah ee FIFA hoggaamineyso ee lagula dagaallamayo cudurkan caalamka faraha ba'an ku haya.


Cayaartoday xulka qaranka Soomaaliya ayaa farriimohooda si toos ah ugu diray shacabka Soomaaliyeed, iyagoo ku dhiirri geliyay in ay dhageystaan talooyinka ay bxineyso dowladda Soomaaliya isla markaana ay raacaan tilmaamaha wasaaradda caafimaadka Soomaaliya.

Qaar ka mida cayaartoyda ayaa shacabka Soomaaliyeed soo xasuusiyay xadiith can ah oo laga wariyay Nabi Muxamed SCW ee ahaa nadaafaddu waa iimaanka barkiis, si ay shacabka ugu dhiirri geliyaan in ay ku dadaalaan nadaafadda oo kaalin weyn ka qaadaneysa la dagaallanka cudurka.



Farriimaha wacyi gelinta ah eek a yimid xulka qaranka ayaa kuso beegmay xilli FIFA ay dagaalka ka dhanka ah cudurkan u adeegsaneyso xiriirrada xubnaha ka ah oo dalalkooda ku baahinaya farriimo caafimaad oo wacyi gelin ah. Waaxda warfaafinta xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya ayaa farriimaha qaranka oo muuqaalo ah u gudbisay xarumaha warbaahinta Soomaalida, sida telefishinada, idaacadaha iyoi website-yada.

"Waxaan u mahad celinayaa cayaartoyda xulka qaranka Soomaaliya oo door weyn ka cayaaraya dagaalka ka dhanka ah COVID-19. Shacabka Soomaaliyeed aad ayay ujecel yihiin cayaartoyda waxaana hubaa in farriimaha ay gudbiyeen ay shacabku si dhab ah u qaadan doonaanā€¯ayuu yiri guddoomiyaha xiriirka kubabdda cagta Soomaaliya Cabdiqani Saciid Carab oo war saxaafadeed soo saaray.



Somali Football Federation Media Department.

Email:info@somsoccer.com



Leave a comment