Madaxweynaha FIFA oo ka tacsiyeeyay geerida Cayaaryahan hore Cabdulqaadir Maxamed Faarax.

Thursday March 26, 2020 - 20:59:35
0 Comments
1611
Super Admin
Madaxweynaha xiriirka kubbadda cagta aduunka Gianni Infantino, ayaa dhambaal tacsi ah soo gaarsiiyay madaxweynaha xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya Cabdiqani Saciid Carab, oo uu kaga tacsiyeeyay geeridii ku timid cayaaryahankii hore ee naadiga Batroolka Alle ha u naxariistee marxuum Cabdulqaadir Maxamed Faarax.

 

Dhambaalkiisa ayuu madaxweyne Infantino ku sheegay in uu tacsi tiiraanyo leh usoo gudbinayo Soomaaliya oo uu uga tacsiyeeyay geeridii ku timid cayaryahan hore Cabdulqaadir Maxamed Faarax,. Madaxweyne Infantino ayaa sheegay in hadal keliya uusan ku filneyn in uu bixiyo qiyaasta murugada ay dareemayaan bahweynta kubabdda cagta aduuka.

Madaxweynaha FIFA wuxuu intaa raaciyay "Cayaaryahan hore oo Soomaaliyeed,Cabdulqaadir Maxamed Faarax, wuxuu ahaa nin bulshada kubada cagtu ay aad u jeclaayeen, wuxuuna ahaa la taliyaha wasiirka dhallinyarada iyo cayaaraha dalka Soomaaliya. Dhaxalkii uu kaga tagay garoomada kubbadda cagta lama halmaami doono, isaga uun ayaan weynay”.


"Anigoo ku hadlaya magaca bulshada kubbadda cagta aduunka, waxaan tacsi usoo gudbinayaa xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya, qoyskiisii, saaxiibada iyo kuwii ay is jcelaayeen”ayuu yiri madaxweynaha FIFA Gianni Infantino oo qoraalka tacsida ah maanta soo gaarsiiyay xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya.

Warbixin faah-fahsan oo ku saabsan waaiyihii kubbadda cagta ee AUN Cabdulqaadir Maxamed Faarax, waxaanu soo daabacnay maalintii uu geriyooday, waxayna ku daabacantahay linkiga hoose.

 RIIX LINKIGA HOOSE SI AAD U DAGSATO FARIINTA TACSIDA AH EE GUDDOOMIYAHA FIFA.


2020-03-26_In_memory_of_Abdulkadir___Mohamed_Farah.pdf

Somali Football Federation Media Department

Email:info@somsoccer.com


Leave a comment