CECAFA oo soo saartay isku aadka koobka qaramada. Group B: Soomaaliya Sudan, South Sudan iyo DR Congo

Sunday November 24, 2019 - 14:45:28
0 Comments
1781
Super Admin
Ururka kubbadda cagta bariga iyo bartamaha Afrika ee CECAFA ayaa maanta soo saaray isku aadka koobka qaramada ee dalalka ku jira ururka CECAFA, iyadoo dalka DR Congo uu marti ahaan ugasoo qeyb geli doono tartanka.


Tartankan ayaa waxaa ka qeyb geli doona 12 dal oo 11 ka mida ay ku yaalliin gobalka bariga iyo bartamaha Afrika, halka dalka Jamhuuriyadda dimoqoraaddiga ah ee Congo uu amrti ahaan ugasoo qeyb geli doono. Cayaarahan ayaa ka dhici doona magaalada Kampala inta u dhexeysa 7-18-ka bisha December.

Xulka qaranka dalka Soomaaliya ayaa ku jira group-ka B waxaana kula jira dalalka Sudan, South Sudan iyo DR Congo. Xulka martida loo yahay ee Uganda ayaa ku jira groupka A waxaana kula jira dalalka Burundi, Ethiopia iyo Eritrea halka group-ka C ay ku wada jiraan dalalka Djibouti, Kenya, Tanzania iyo Zanzibar.



Dhanka kale waxaa isla maanta la sameeyay isku aadka cayaaraha gabdhaha da’doodu ka yar tahay 17-ka sano, waxaana ay ka dhici doonaan magaalada Jinja ee dalka Uganda inta u dhexeysa 9-18-ka bisha December. Xulka Uganda ayaa groupka A kula jira Ethiopia, South Sudan iyo Eritrea, halka groupka B ay ku wada jiraan Djibouti, Tanzania iyo Burundi.

 

Somali Football Federation Media Department.

Email:info@somsoccer.com


Leave a comment