Kooxda DT oo ku guuleysatay koobkii kubbadda cagta dhallinyarada ee sanadka 2019

Wednesday November 20, 2019 - 09:09:59
0 Comments
1240
Shaafici Muxyidiin
Waxaa lasoo gaba-gabeeyay koobkii kubbadda cagta dhallinyarada ee sanadka 2019-ka, waxaana ku guuleysatay kooxda Daaru Tarbiya [DT]. Tartanka dhallinyarada ayaa la qabtaa sanad kasta tan iyo markii uu billowday sanadkii 2016-kii.


Kooxda DT ayaa urursatay 54 dhibcood oo kaga filnaaday in ay ku guuleysato tartanka dhallinyarada. Inta badan cayaaraha tartankan ayaa ka dhacay xarunta farsamada xiriirka, iyadoo cayaartii ugu dambesyana lagu marti geliyay garoonka Banaadir, waxaana cayaaraha oo dhami dhici jireen maalmaha khamiista iyo jimcaha.

Dhallinyaro da’doodu u dhexyso 15-16 ayaa ka qeyb galay tartanka waxaana ay kala matalayeen 14 kooxood. Guddoomitye ku xigeenka 1-aad ee xiriirka Cali Cabdi Maxamed ayaa sheegay in tartankani uu muhiimmad gaar ah u leeyahay xiriirka maadaama uu soo saaro dhallintyaro tayo wanaagsan oo loo isticmaalo xulalka qaranka ee da’doodu ka yar tahay 17 iyo 20 sano.



"Waxaan jeclahay in aan FIFA uga mahad celiyo taageerada dhinacyada kala duwan leh oo ay na siiso, taas oo suuragal ka dhigtay in xiriirku horumariyo kubbadda cagta dalka min bilow ilaa heerka ugu sareeya”ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka oo ka hadlayay munaasabadii gaba-gabada tartankan Arbacadii shalay.

Wuxuu guddoomiye ku xigeenku sheegay intii tartanku socday in khubaro ka tirsan waaxda farsamada xiriirka ay xuleen cayaaryahanadii ugu wanagasanaa, kuwaas oo dhawaan loo diyaarin doono qorshe tababar si loosii horumariyo xirfaddooda kubbadda cagta.



 

Somali Football Federation Media Department

Email:info@somsoccer.com



Leave a comment