Guddoomiye Cabdiqani oo Qaahira uga qeyb galaya shir looga hadlayo horumarinta kubbadda Cagta Afrika.

Wednesday November 20, 2019 - 08:51:26
0 Comments
1212
Shaafici Muxyidiin
Gudoomiyaha xiriirka kubbadda Cagta Soomaaliya ahna xubin ka mida guddiga fulinta CAF, Cabdiqani Saciid Carab, ayaa ku sugan magaalada Qaahira ee dalka Masar, halkaas oo uu uga qeyb galayo shirka guddiga fulinta Caf oo looga hadli doono arrimo dhowr ah oo quseeya horumarinta kubbadda cagta qaaradda.


Shirka guddiga fulinta CAF ayaa sida qorsheysan ka dhacaya magaalada Qaahira barri oo khamiis ah bishuna tahay 21, waxaana looga doodi doonaa qodobbo aad u muhiim ah oo la xiriirka horumarinta kubbadda cagta qaaradda Africa.

Sida ku cad jadwalka shaqo ee guddoomiyaha waxaa mudane Cabdiqani Saciid Carab, uu maalinta jimcaha ah daawan doonaa cayaarta kama dambeysta ah ee koobka qaramada Afrkka ee dhallinta da’doodu ka yar tahay 23-ka sano, iyaddoo kaddibna uu dalka dib ugusoo laaban doono insha Allah.



Somali Football Federation Media Department

Email:info@somsoccer.com

 



Leave a comment