Isku aadka CECAFA U-20 oo la shaaciyay

Saturday September 14, 2019 - 09:22:04
0 Comments
1966
Super Admin
Xoghayaha guud ee CECAFA, Nicholas Musonye. Xuquuqda sawirka: FUFA
Ururka kubbabda cagta dalalka bariga iyo bartamaha Africa ee CECAFA ayaa sii daayay isku aadka cayaaraha wiilasha da'doodu ka yartahay 20-ka sano xilli cayaareedka 2019-ka.


Sida ku cad jadwalka maanta lasoo saaray, labo magaalo oo ku taala dalka Uganda oo kala ah Gulu iyo Jinja ayaa marti gelin doona tartanka dhallinyarada oo socon doona inta u dhexeysa 21-ka bishan ilaa 5-ta October 2019. Ururka CECAFA wuxuu ka kooban yahay 12 dal, laakin11 ka mida dalalkaas ayaa soo xaqiijiyay ka qeyb galkooda tartanka, waxaana looq eybiyay A, B iyo C. Dalalka tartanka ka qeyb galaya ayaa kala ah: Uganda, Sudan, Eritrea iyo Djibouti oo ku jira groupka A, halka groupka B uu ka kooban yahay: Kenya, Ethiopia, Zanzibar iyoTanzania.



Xulka Soomaliya ayaa qeybta C kula jira dalalka Burundi iyo Koofurta Sudan, waxaana qeybtan kasoo bixi doona laba kooxood halka qeybaha kale ee A iyo B oo min afar dal ka kooban ay kasoo bixi doonaan 3 kooxood oo usoo gudbi doona warega 8-da. Xulka Soomaaliya ayaa cayaarta ugu horesa la yeelanaya dhiggooda Burundi 25-ka September waxayna ka dhici doonaa magaalda Jinja.

Guji_halkan_si_aad_u_aqrisato_isku_aadka_CECAFA_Under_20.pdf
Somali Football Federation Media Department

Email:info@somsoccer.com



Leave a comment