Dekedda oo ku jirta diyaar garowgii ugu dambeeyay ka hor kulanka Zamalek

Wednesday August 14, 2019 - 13:51:41
0 Comments
1046
Super Admin
Kooxda kubbada Cagta Dekedda ee dalka Soomaaliya ayaa isu diyaarineysa kulankii ugu horeeyay ee CAF Champions League ee koox ka socota Soomaaliya ay cayaarto muddo 30 sanadood ah.


Cayaartoyda Dekedda oo maalmahan ku sugnaa dalka Masar ayaa ku jira diyaar garowgoodii ugu dambeeyay ka hor kulanka dag oo ay la yeelenayaan kooxda Zamalek ee dalka Masar.

"Kooxdu waxay sameysay diyaar garow adag, waxayna ku tababar qaadatay garoomo kala duwan si cyaartoydu ula qabsadaan cimillada dalkan, waxaana rajeyneynaa guul insha Allah” sidaas waxaa somsoccer.com u sheegay Cabdalla Maxamuud xersi oo ka tirsan guddiga fulinta xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya kama mida masuuliyiinta la safraya kooxda.



Naadiga Dekedda iyo dhigiisa dalka Masar ee Zamalek ayaa isla go’aansaday in labada cayaaroodba lagu dheelo dalka Masar maadaama Soomaaliya aany xilligan u diyaarsanayn in cayaaro caalami ah ay marti geliso.

Lugta koobaad ee is reeb reebka CAF Champuons League waxaa ka dhici doontaa garoonka Petrosport Stadium maalinta Jimcada ah ee inasoo aadan bishuna tahay 16-ka August.



Waaxda warfafinta xiriirka kubbadda Cagta Soomaaliya

Email:info@somsoccer.com



Leave a comment