Xiririka kubbadda Cagta oo soo gabagabeeyay horyaalkii dhallinyarada

Thursday December 27, 2018 - 20:46:20
1 Comments
1854
Super Admin
Xiriirka kubadda Cagta Soomaaliya ayaa si rasmi ah usoo xiray horyaalkii kubbadda cagta dhallinyarada oo sanadkii sadexaad oo xiriir ah la qabtay.
Xiriirka kubadda Cagta Soomaaliya ayaa si rasmi ah usoo xiray horyaalkii kubbadda cagta dhallinyarada oo sanadkii sadexaad oo xiriir ah la qabtay.


Kooxda kubbadda Cagta ee 20-ka Decemebr ayaa ku guuleysatay tartanka kadib markii ay urursatay 51 dhibcood mudadii tartanku socday oo ahayd intii u dhexeysay 25-kii June 2018 ilaa 27-ka December 2018. Tartanka ayaa waxaa ka qeybgalay 14 kooxood oo ay kala matalayeen dhallinyaro da’doodu u dhexeyso 15-17 sanadood.


Guddoomiyaha xiriirka kubbadda Cagta Soomaaliya, Cabdiqani Saciid Carab ayaa uga mahad celiyay hey’ada FIFA taageerada ay u fidisay xiriirka oo la’aanteed aanay suuragal noqoteen in tartankani qabsoomo.



"Labadii qeybood ee hore ee tartankan FIFA waxay na siisay caawimaad dhaqaale iyo mid qalab intaba, hase ahaatee qeybtan sadexaad waxay FIFA nagu caawisay qalabka quruxda badan oo ay kooxuhu ku cayaarayeen”ayuu yiri guddoomiyaha oo FIFA uga mahad celiyay taageeradeeda joogtada ah, iyadoo aanay jirin cid kale oo xiriirku gacan ka helo.


"Way naga go’antahay in aan joogteyno tartamada noocan oo kale ah oo guulo wax ku ool ah dalka gaarsiiyay. Tusaale waxaa noogu filan guushii ay Soomaaliya marii ugu horeysay ka gaartay cayaaraha CECAFA oo ay finalka soo gaartay bishii April ee sanadkadn, guushaas taariikhiga ahna ma aanu gaarneen FIFA la’aanteed”ayuu gudoomiyuhu hadlkiisa sii daba dhigay.


Gudodomiyaha ayaa sheegay in uu sii kordhayo xiisaha ay dhalinyarada Soomaaliyeed u qabaan tartankan, iyadoo maalin kasta ay dhalinyarada soomaaliyeed muujinayaan sdia ay u daneynayaan ka qeyb qaadashada tartankan.

Somali Football Federation Media Department

Email:info@somsoccer.com



Leave a comment