Masuuliyiin garoonka Aadan Cadde kusoo dhaweynaya Cayaartoy qurba joog ah oo barri dalka imaanaya.

Tuesday October 16, 2018 - 22:06:13
0 Comments
1598
Super Admin
Wasaaradda Cayaaraha dalka ayaa soo dhaweyn heer sare ah u diyaarisay macalimiin iyo cayaartoy Soomaaliyeed oo ka imaanaya dalka dibaddiisa kunasoo wajahan magaalada Mqudisho barri oo Arboco ah.


Wafdiga macalimiinta iyo cayaartoyda oo ka kooban 25 ruux waxaa garoonka diyaardaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kusoo dhaweyn doona wasiiradda Cayaaraha Marwo Khadiija Maxamed Diiriye, agaasimaha guud ee wasaradda Isaaq Xaashi Jimcaale, guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee kubbada Cagta Cabdiqani Saciid Carab, ku xigeenkiisa Cali Cabdi Maxamed iyo masuuliyiin kale oo ka kala socda wasaarada iyo xiriirka.



"Ujeeddooyinka loo martiqaaday ciyaartoydan oo dalka dibaddiisa ku dhashay waxaa ka mida in ay soo arkaan dalkooda hooyo iyo in ay is bartaan cayaartoyda ku sugan gudaha dalka si loo abuuro is dhex gal iyo saaxiibtinimo ay la sameeyaan walaalohooda kale ee dalka ku nool”sidaasi waxaa yiri Shaafici Islaw oo u hadlay xiriirka kubadda Cagta Soomaaliya.


Cayartoydan Soomaaliyeed ayaa ka kala imaanaya wadamo dhowr ah oo ay ka mid yihiin UK, USA, Sweden iyo Norway waxaana muddada ay dalka joogaan ay cayaaro is dhex gal iyo is barasho ah la yeelan doonaan qaar ka mida naadiyada ka dhisan horyaalka SPL.


By Cumar Ibraahim

Xafiiska warfaafinta Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya.



Leave a comment