Macalimiin iyo cayaartoy qurba-joog ah oo dalka imaanaya.

Thursday October 04, 2018 - 10:27:30
1 Comments
2942
Super Admin
Waxaa dhawaan magaalada Muqdisho soo gaari doona macalimiin dhinaca kubbadda cagta ah iyo cayaartoy Soomaali ah oo ka kala yimid wadamo ku yaala Yurub iyo waqooyiga Ameerika.


Wafdiga macalimiinta iyo cayaartoyda Soomaalida ah ayaa ka kooban 25 xubnnod waxaana magaalada Muqdisho ay soo gaari doonaan 17-ka Bishan iyagoo joogi doona muddo 2 usbuuc ah.


Muddada ay dalka Joogaan ayaa cayaartoydan Soomaaliyeed ee dibadda ka imaanaya waxay cayaaro la yeelan doonaan kooxo kala duwan oo ka cayaara horyaalka dalka Soomaaliya.


25-ka xubnood ee wafdiga ayaa kala ah 7 maamul iyo macalimiin isugu jra halka 18-ka kalana ay yihiin cayaartoy da’ yar ah. Xubnaha maamulka wafdiga ayaa kala ah. Macamed Macallin oo ah guddoomiyaha wafdiga, Cabdirahiid Islaw oo ah macallin ka tirsan xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta qaabilsanna soo ururinta cayaartoyda Soomaaliyeed ee dibadaha ku nool oo xulka qaranka loo qaato, wafdiganna ka ah guddoomiyaha farsamada, Cabdi Axmed oo ah madaxa qaban qaabada, Cabdulaahi Axmed Dhumaaye, Xuseen Abati oo ah maamulaha kooxda, Cabdulaahi Cali oo dhinaca howl fulinta qaabilsan iyo laba macalin oo kala ah Cabdi Kaafi Maxamed iyo Cabdisalaan Xuseen.



"Macallimiintan iyo maamulka kooxdan wada muddo ayay kusoo jireen arrimaha horumarinta dhalinyarada Soomaaliyeed ee qurbaha ku nool oo xagga kubbadda cagta laga dhisayay, waxaana dadaal muddo soo socday kadib sharaf noo ah in aan dalkoodii kusoo celino si ay u arkaan horumarka dalka ka socda waqti fiicana ulasoo qaataan walaalohooda kale ee dalka u sugan” ayuu yiri Macalin cabdirasshiid Isalw oo ka tirsan wafdiga dhawaan dalka imaanaya.


Xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya ayaa si weyn ugu diyaar garoobay soo dhaweynta wafdigan oo garoonka diyaaradaha ay uga hor tagi doonaan xubno uu xiriirku u xil saaray soo dhaweyntooda.


Waaxda warfaafinta xiriirka kubbada cagta Soomaaliya,

Email:info@somsoccer.com



Leave a comment