Wafdiga Xiriirka oo xarunta F4F ku booqday Calan-sideyaasha qaranka

Tuesday June 12, 2018 - 23:04:30
0 Comments
2642
Super Admin
Guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cagta, Cabdiqani Sacid Carab iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa booqday xarunta saaxiibtinimada kubadacagta ee Moscow.


Guddoomiyaha oo ay wehliyaan ku xigeenkiisa 1-aad Cali Cabdi Maxamed iyo ku xigeenka xoghayaha guud Cali Maxamed Axmed ayaa intii ay xarunta joogeen la kulmay sadexda cayaaryahan ee Soomaaliya ku matalaya barnaamijka saaxiibtinimada kubada cagta ee ka socda dalka Ruushka.


Yuusuf Xuseen Muumin oo ka tirsan xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta oo wiilasha yar yar ku wehlinaya joogitaankooda xarunta F4F ayaa wafdiga guddoomiyaha warbixin ka siiyay xaalada wiilasha iyo howsha mid kasta uu ka qeb qaatay tan iyo markii ay tageen Moscow.



Guddoomiyaha ayaa sidoo kale la sheekeystay wiilasha yar yar oo dhankooda muujiyay sida ay ugu faraxsan yihiin in ay qeyb ka nqodaan barnaamijka saaxiibtinimada kubada cagta oo isu keenay ilaa iyo 1500 oo caruur ah oo laga kala keenay caalamka daafihiisa. Cabdiraxmaan Maxamuud Jaamac ayaa guddoomiyaha u sheegay " Khibrad ayaan ka kororsanay barnaamijka saaxiibtinimada kubada cagta. Waxaan dalka kula laaban doonaa aqoon iyo waaya aragnimo”. 

"Dhiiri gelin badan ayaan ka helnay barnaamijka saaxiibtinimada kubada cagta, wuxuuna sare u qaaday rajada aan ka leenahay kubada cagta”sidaasi waxaa yiri mid ka mida wiilasha oo lagu magacaabo Cabdulaahi Cali Xasan. Dhankiisa Zakariye Axmed Maxamed ayaa yiri "Waxaan uga mahad celineynaa xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta fursadan dahabiga ah oo uu na siiyay taasoo sare u qaaday rabitaankeena cayaarta kubada cagta”.


Mid kasta oo wiilasha ka mid ah waxaa lagu biiriyay koox qabaneysa shaqo gaar ah, laakin warka wanaagsan ayaa ah in Zakariye Axmed Maxamed kooxda uu u dheelo ay soo gaartay semi final-ka tartanka Saaxiibtinimada kubada cagta ee ka socda Ruushka lanasoo gabagabeyn doono 15-ka bishan.


Wafdiga sixiirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ee ka qeyb galaya shir weynaha FIFA iyo wiilasha yar yar ee ka qeyb galaya barnaamijka saaxiibtinimada kubada cagta waxay dalka kusoo laaban doonaan Sabtida soo socota insha Allah.


Somali Football Federation Media Department

Email:info@somsoccer.com



Leave a comment