Shariif qulateyn oo dhibcaha ka tirsatay Anadol

Thursday September 22, 2016 - 17:54:34
0 Comments
2276
Super Admin
kooxaha kubadda cagta ee Shariif qulateyn iyo Anadol ayaa galabta waxa ay kulan kooda ka dhacday garoonka jaamacadaha ee magaaladda Muqdisho. Kooxda Shariif qulateyn, ayaa u awoodd sheegatay dhigeeda anadol, iyadoo kulanka ku dhamaaday 3-0 oo guusha ay ku raacday shariif qulateyn.


Ciyaaryahan libaan ibraahim mursaloo lambarka 3-aad u xirta kooxdanayaa gool uu dhaliyay daqiiqadii 30-aad ee ciyaarta,waxaana qeybtii hore ee kullanka uu kusoo dhamaaday 1-0, oo ay ku hor kaceyso Shariif qulateyn,


Markii dib la isugu soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta ayaa wiilasha shariif qulateyn waxa ay halkooda kasii wadeen kubaddii qurxooneyd iyagoo la yimid labo gool kale waxaana u dhaliyaycumar xaaji muuseoo lambarka 10-aad xirta kooxdan ayaa u dhaliyay daqiiqadii 57-aad halka goolka labaad uu raacsadaycumar c/laahi keynanoo lambarka 7-aad xirta kooxdan ayaa u dhaliyay daqiiqadii 64-aad waxaana ciyaarta waqtigii loogu tala galay ay kusoo dhamaatay 3-0 oo ay guusha ku qaateen shariif qulateyn.

Inttii ay cayaartu socotay ayaa cayaartoyda labada kooxoodba waxaa ay qaateen ganaaxyo sida hoos ku cad.

                                                        Shariif Qulateyn

Magaca

Lambarka

Daqiiqada

Ganaaxa

Maxamed Maslax Cusman

18

20-aad

Jaale

Maxamed cabdi maxamed

2

29-aad

Jaale

                                                                       Anadol

Magaca

Lambarka

Daqiiqada

Ganaaxa

Maxamud bashiir xasan

15

3-aad

Rooso

c/qaadir maxamed maxamud

16

53-aad

Rooso

 



By Cumar Ibraahim Cabdisalaam
Email:info@somsoccer.com


Leave a comment