Hoyga Xamar iyo Abuu Xaniifa oo dhibcaha kala qaatay

Thursday September 15, 2016 - 16:53:11
0 Comments
2645
Super Admin
Iyadoo uu si xiiso leh u soconayo tartanka kubada cagta dhalainyarada ee dalka Soomaaliya ayaa waxaa galabta cayaar adag isku haleelay kooxaha Hoyga Xamar iyo Abuu Xaniifa waxaana intii cayaartaasi socotay ay labada dhinac isla dhaafi waayeen 1-1 oo ay dhibcaha ku kala qeybsadeen.


Kooxda Hoyga Xamar ayaa goolka ku hormartay waxaana daqiiqadii 7-aad gool u saxiixay cayaaryahanka u xirta numberka 7-aad Zakariye Cabdulaahi Maxamed, hase ahaatee waa loo diiday in ay qeybta hore ku dhameystaan iyagoo gogaanka haya, waxaana goolka barbar dhaca heshay kooxda Abuu Xaniifa oo uu u saxiixay Saciid Xaaji Maxamed daqiiqadii 45-aad ee qeybat hore ee cayaarta. Intii cayaartaasi socotay waxaa labada kooxba ay qaateen ganaaxyo sida hoos ku qoran.

                                                            Hoyga Xamar

Magaca

Lambarka

Daqiiqada

Ganaaxa

Aweys Abuukar Cabdulqaadir

14

27-aad

Jaale

Faa’is Maxamed Cabdulle

19

25-aad

Jaale

 

                                                               Abuu Xaniifa

Magaca

Lambarka

Daqiiqada

Ganaaxa

Saadaq Cabdicasiis Cabdulaahi

10

24-aad

Jaale

 

Somali Football Federation Media Department

Email:info@somsoccer.com




Leave a comment