Kubada cagta oo Nashaad gelisay nolosha agoonta wax ka barata dugsiga Anatolia.

Wednesday August 19, 2015 - 16:59:27
0 Comments
3979
Super Admin
Boqolaal aqoon Soomaaliyeed ah oo wax ku barta Dugsiga Anatolia ee Turkiga ayaa muujiyay rajo weyn oo ay ka qabaan in mustaqbalka dhow ay magac ku yeeshaan kubada Cagta kana mid noqdaan xulka qaranka Soomaaliya.


Caruurtan agoonta ah ayaa soo bandhigista rajadooda mustaqbalka ee kubada cagta waxaa ay kusoo beegmatay iyagoo dhamyestay lixdii bilood ee u horeysay oo tabbaar rasmi ah oo dhanka kubada cagta ah ay ku qaadanayeen gudaha iskuulkooda.



Caruurtan oo da’doodu ay u dhexeyso 9-15 sano, ayaa fursad u helay in ay rabitaankooda dhanka kubada cagta ah kala hadlaan guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cagta Cabdiqani Saciid Carab, ku xigeenkiisa Cali Cabdi Maxamed iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xiriirka oo ku booqday iskuulka maalintii Arbacadii.



Iskuulkan oo Turkigu gacanta ku hayo ayaa waxaa ku jira caruur Soomaaliyeed oo agoon ah oo 230 ka mida ay yihiin wiilal, waxaana bilihii lasoo dhaafay ay qaadanayeen tababar kubad acagta ah si loo dhiso xirfadooda dhanka kubada cagta, iyadoo xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagtu uu iskuulka ku deeqay macalimiin iyo qalab isboorti.


Caruurta ayaa qaata tababarada dhanka kubada cagta ah maalmaha khamiista iyo Jimcaha iyo sidoo kale xilliyada fasaxa ah. 
Guddoomiyaha Iskuulka Anatolia, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Hiraabe, oo madaxda xiriirka kusoo dhaweeyay iskuulka ayaa sheegay in booqashada masuuliyiinta xiriirku ay dhiiri gelin u tahay caruurta ayna sare usii qaadeyso rajadooda ku aadan in mustaqbalka ay u cayaaraan qaranka Soomaaliya.

 

"Wiilashani waxay mar kasta I weydiin jireen goormee ku cayaari doonaa Stadium Banaadir, sidaa daraadeed imaatinkiinu wuxuu maanta u yahay fursad ay idinkala hadli karaan rabtitaankooda iyo waxa ay jeclaan lahaayeen mustaqbalka”sidaas ayuu guddoomiyaha iskuulka Anatolia u sheegay madaxda xiriirka markii ay tageen iskuulka.


Guddoomiye ku xigeenka xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cagta Cali Cabdi Maxamed, ayaa amaanay kaalinta iskuulkani uu ka qaadanayo horumarinta kubada cagta dalka, isagoo intaa ku daray in siyaasadaha ugu waaweyn ee xiriirka ay ka mid tahay in man-hajka wax barashada dalka lagusoo daro duruus dhanka kubada cagta ah.


Dhankiisa guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta, Cabdiqani Saciid Carab ayaa sheegay in xiriirku uu ahmiyad weyn siinayo sidii caruurta Soomaaliyeed loogu barbaarin lahaa kubada cagta, taasoo qeyb ka ah barnaamijka loogu talagalay iskuulada dalka.

 

 


"Mid ka mida ujeedooyinka ugu waaweyn ee socdaalkeena maanta, waxaa ay tahay in aan dhageysano caruurta oo aan ogaano bal inta ay la egtahay rajada mid kasta oo ka mid ahi uu qabo ee xaga kubada cagta ah iyo in ay jeclaan lahaayeen cayaartoy caan ah in ay noqdaan oo qaranka matalaan”ayuu yiri gudoomiye Cabdiqani Saciid Carab.


Wiilasha oo dhan ayaa mar qura gacmaha kor u taagay markii guddoomiyuhu uu weydiiyay mid kasta oo jecel in qaranka uu matalo mustaqbalka in uu gacanta kor u taago, waxaana taasi ay muujieneysaa sida heerka sare ah ee shacabka Soomaaliyeed ay u jecelyihiin kubada cagta.

 

"Guddoomiye ahaan waxaan ku dhawaaqayaa in xiriirka Soomaaliyeed uu diyaarin doono qorshe gaar ah oo loo sameynayo iskuulkan agoontu ku jirto”ayuu yiri guddoomiye Cabdiqani Saciid Carab oo sheegay in Iskuulka Anatolia uu qeyb ka noqon doono tartanka dugsiyada ee inasoo aadan.

 
Guddoomiyaha ayaa booqashada uu ku tagay iskuulka Anatolia waxaa ku weyhlinayay guddoomiye ku xigeenka 1-aad Cali Cabdi Maxamed, xoghayaha guud Xasan Maxamed Maxamuud, ku xigeenada xoghayaha Cali Maxamed Axmed iyo Aweys Axmed Jimcaale iyo laba xubnood oo ka tirsan guddiga fulinta Mustaf Cilmi Afrax iyo Cusmaan Jaamac Diraac.


Dugsiga Anatolia oo la aas aasay laba sano ka hor ayaa waxaa uu heshiis dhanka iskaashiga ah la gaaray xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cagta horaantii sanadkan waxaana taasi ay qeyb ka tahay barnaamijka caruurta lagula barbaarinayo kubada cagta oo dalka oo dhan laga hirgalinayo.

 






 


Somali Football Federation Media Department

 

Email:info@somsoccer.com



Leave a comment