Banadir oo quusisay Jeenyo iyo Heegan oo Horyaal Noqotay

Monday June 01, 2015 - 21:49:10
0 Comments
3778
Super Admin
Naadiga Jeenyo United ayaa gebi ahaanba seegay rajadii uu ka lahaa horyaalka dalka, kaddib markii maanta guul darro 2-1 ah ay kala kulmeen naadiga Banadir Sports Club.


Weeraryahan Daadir Amiin Cali oo ah kabtanka Banadir ayaa si aad ah u dagaalamay maanta waxaana labada gool uu u saxiixay naadigiisa labadii qeybood ee cayaarta. Guul darradan ayaa ahayd tii ugu horeysay ee Jeenyo kala kulanto Banadir muddo sadex xilli cayaareed ah.


Natiijada cayaartii maanta ayaa ka dhigan in naadiga Booliska Soomaaliyeed ee Heegan uu la carraabay horyaalnimada kubada cagta Soomaaliya ee 2014/15, iyadoo wali ay usii dhiman yihiin laba cayaarood.



Maalinta Khamiista ah ee inasoo aadan waxaa Heegan ay wajahi doontaa Saxafi FC, halka cayaartooda ugu dambeysa ee horyalkana ay kala hortagi doonaan Banadir Sports Club 9-ka bishan.


Jeenyo iyo Banadir waxaa mid waliba ay hiigsaneysaa kaalinta 2-aad ee tartanka, waxaase mid kasta ay u baahan taahay in halka cayaar ee u harsan ay guul ka gaarto. Sida ku cad jadwalka tartanka, Jeenyo waxay wajahi doontaa Naadiga ciidanka xooga dalka ee Horseed maalinta Axada ah ee todobaadka dambe.


Heegan, iminka waxaa ay leedahay 36 dhibcood oo ay ka urursatay 16 cayaarood, waxaana guusha horyaalku ay uga dhigan tahay in ay Soomaaliya ku matali doonto tartanka kooxaha bariga iyo bartamaha Afrika ee bisha July ee soo socota 15-keeda ka furmi doona magaalada Dar Es Salaam ee dalak Tanzania.


Tagitaanka Heegan ee tartanka kooxaha bariga iyo bartamaha Afrika waxaa ay ka dhigan tahay in markii ugu horeysay muddo sanado ah ay Soomaaliya matasho koox aan ahay Elman FC iyo Banadir Sports Club muddo ka badan 14 sanadood.


Somali Football Federation Media Department

Email:info@somsoccer.com

Leave a comment