Xoghaye Xasan Farey oo xeer ilaaliye ka ah cayaar ka tirsan is reeb reebka kooxaha horyaalada Africa.

Thursday February 26, 2015 - 17:35:33
0 Comments
3283
Super Admin
Xeer ilaaliyaha ururka kubada cagta Africa ee CAF ahna xoghayaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cagta Mudane Xasan Maxamed Maxamuud (Farey) oo ku sugan dalka Niger ayaa Jimcaha waxaa uu xeer ilaaliye ka noqon doonaa cayaar ka tirsan is reeb reebka tartanka kooxaha horyaalada Africa.


Cayaartan oo ah lugtii labaad ayaa dhex mari doonta kooxaha AS/GNN ( Niger ) iyo Stade Malien ( Mali ) waxaana barri oo jimco ah ay ka dhici doontaa garoonka Stadium Municipial sacadu marka ay tahay 5-ta galabnimo.


Maanta ayaa waxaa la isugu yimid kulankii pre-match meeting, oo ay kasoo qeyb galeen xeer ilaliye sare Xasan Farey, masuuliyiinta labada naadi ee cayaaraya, garsooreyaasha cayaarta qaban doona iyo masuulka xaga amaanka iyo nabad geliyada ugu qaabilsan Xiriirka kubada cagta dalka Niger Mr. Fenifoot.



Kulanka oo sidoo kale ay ka qeyb galeen kabtanada labada naadi iyo maclaimiintooda ayaa lagusoo bandhigay, dharka labada naadi ay ku cayaari doonaan sida caadiga ah ee sharciga ku taala.


Cayaartan ayaa noqoneysa tii labaad ee mudane xasan farey uu xeer ilaaliye ka noqodo muddo 3 bilood ah, waxaana Mudane Xasan farey oo hore usoo ahaa garsoore heer caalmi uu ka mid yahay xeer ilaaliyeyaasha hada shaqeeya ee ugu khibrada badan kubada cagta Afrika.

 


Somali Football federation Media Department

Email: info@somsoccer.com




Leave a comment