Elman iyo Jeenyo oo is garab dhacay

Monday February 02, 2015 - 18:20:55
0 Comments
3384
Super Admin
Kulanka Jeenyo United iyo Elman FC oo ahaa mid taageerayaal badani aad u wada sugayeen ayaa galabta kusoo dhamaaday is mari waa 1-1 ah, inkastoo Elman ay goolka la hormartay qeybtii hore ee cayaarta.


Labada naadi ayaa taageerayaashoodu ka mid yihiin kuwa sida aadka ah u xafiiltama iyadoo ay taasi jirto ayaa hadana Elman oo kamida naadiyada ugu tunka weyn dalka Soomaaliya waxaa tan iyo intii la bilaabay horyaalka ay ka mid tahay naadiyada kaalimaha dhexe soo dhaafi waayay.


C/laahi Cali Nuur, oo ka tirsan Elman ayaa goolka hore u dhaliyay kooxdiisa Daqiiqadii 17 ee qeybta hore Ciyaarta. Laakin Jeenyo ayaa waxa ay barbaraha ka heshay Cabdalla Xasan Cabdalla, kaas oo gool nafta kusoo celiyay u dhaliyay kooxdiisa daqiiqadii 88 xilli cayaartu ku dhaweyd gabagabo.



Naadiga Elman, ayaa barbarahaan waxaa uu ka saaciday inay soo gasho kaalinta lixaad kala sareynta horyaalka heerka Koowaad ee kubadda cagta Soomaaliya, halka Jeenyo ay isagasii nagaatay kaalinteedii 3-aad iyadoo leh 10 dhibcood.







 W/D: Cumar Ibraahim Cabdisalaan (Cumar Yare)

Somali Football Federation Media department

Email:info@somsoccer.com

 



Leave a comment