Xiriirka kubada cagta Soomaaliyeed oo dayac tir ku sameeyay garoonka kubada cagta Mire Awaare ee magaalada garowe.

Wednesday November 19, 2008 - 11:55:38
0 Comments
2257
Shaafici Muxyidiin
Masuuliyiinta xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ayaa maanta shaaca ka qaaday in uu soo dhamaaday dayactir lagu sameynayay garoonka kubada cagta Mire Awaare ee magaalada Garowe kaas oo maalmihii lasoo dhaafay qeybo ka mida dayactir uu xiriirku ku waday.

Xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Mudane cabdi Qani Siciid Carab ayaa u sheegay waaxda warfaafinta xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta in dayactirkan oo lagu sameynayay qeybaha ugu muhiimsan ee garoonka Mire Awaare uu haatan soo idlaaday iyadoo taasina ay qeyb ka ahayd diyaar garowga loogu jiro qabashada cayaaraha kubada cagta ee gobalada Puntland.
 
”Qeybaha garoonka ee aanu shaqada ka qabanay waxaa ka mida goolasha,hagaajinta cabirka garoonka iyo meelo kale oo muhiim ah”ayuu yiri xoghayaha oo qadka teelefonka ee magaalada Garowe aanu ku wareysanay maanta.

 

Tarnatanka 18-aad ee cayaaraha kubada caga ee gobalada Puntland ayaa rasmi ahaan magaalada Garowe uga bilaaanaya maalinta khamiista ah ee inasoo aadan waxaana  madaxda xiriirku ay sheegeen in ay aad ugu rajo weynyihiin si wanaagsan in uu tartankaasi ku qabsoomo.
 

 

Somali football press department



Leave a comment