Naadiga Banadir oo shaqaaleysiiyay Macalin Kenyan ah

Tuesday December 16, 2014 - 23:37:57
0 Comments
2911
Super Admin
Naadiga heysta horyaalnimada dalka Soomaaliya ee Banadir Sports Club ayaa shaqaaleysiiyay macalin u dhashay dalka Kenya, kaddib markii Naadiga laga ceyriyay macalinkii hore Cumar Maxamed Naasir kaddib guul darrooyin is xig xigay.


Macalinka cusub oo lagu magacaabo John Maura ayaa habeenkii Salaasada waxaa uu heshiis hal sano ah la saxiixday guddoomiyaha nadiga Abuukar Maxamed Sheeikh waxaana uu heshiisku ka dhacay magaalada Nairobi.


Macalinka cusub ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho uu soo gaaro maalinta Jimcaha ee inasoo aadan.


"Mudada heshiiska aanu galnay waa hal sano, waana la cusbooneysiin karaa heshiiskaas hadii aanu muhiim u aragno in macalinku nalasii joogo”ayuu war saxaafadeeduu soo saaray ku sheegay guddoomiyaha naadiga Abuukar Maxamed Sheekh.



Guddoomiye Abuukar ayaa sheegay in maamulka naadigu uu go’an ku gaaray in la ceyriyo macalinkii hore kaddib markii guul darooyin is daba joog ahi ay naadiga soo wajaheen uuna naadigu waayay koobabkii General Daa’uud iyo Supper Cup-ka oo jimcihii ina dhaaftay la cayaaray.


"Hanti fara badan ayaan gelinay naadiga, waxaan ahayn dadkii ugu horeeyay ee lasoo wareegay cayaaryahano badan oo ajaanib ah, waxaana qorsheheenu ahaa in koobab badan aanu qaadno, laakin taasi ma dhicin oo badalkeeda guul darrooyin ayaa yimid”ayuu yiri guddoomiye Abuukar Maxamed Sheekh.


Waxaauu guddoomiyuhu sheegay in kubada cagtu ay tahay guul, bar bar dhac iyo guul darro intaba, laakin iyaga ay u cuntami weysay inay sii eegtaan macalinka oo guul darrooyin is daba joog ah lasoo gudboonaadeen.


Naadiga Banadir Sports Club ayaa dib u qoray taariikh hore kaddib markii horyaalka dalka ay ku guuleysteen iyadoo aan marna dhincooda dhulka la dhigin.


Guul noocaas oo kale ah waxaa dalka ugu dambeysay sanaku markuu ahaa 1956-kii xiligaas oo naadigii Aurtobarka (Gaadiidka) uu horyaalka ku guuleystay iyadoo aan marna laga badain.


Naadiga Banadir ayaa kaddib loo aqoonsaday dib u qorayaasha tariikhdii hore. Si kasaba ha ahaatee macalinka cusub John Maura ayaa noqonaya macalinkii ugu horeeyay ee naadi heerka 1-aad ah hogaamiya dalka Soomaaliya muddo ku dhawaad 30 sanadood ah.


Somali Football Federation Media department

Email:somalifootballmedia@gmail.com



Leave a comment