Guddoomiye ku xigeenada iyo xubnaha G fulinta oo la doortay

Sunday August 31, 2014 - 13:39:56
1 Comments
3217
Super Admin
Iyadoo uu gabagabo ku dhow-yahay shirweynaha lixaad ee doorashada xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ayaa waxaa iminka la doortay guddoomiye ku xigeenka 1-aad iyo 2-aad.


Cali Cabdi Maxamed ayaa loo doortay guddoomiye ku xigeenka 1-aad isagoo helay dhamaan 28-kii cod ee doorashada laga dhiibtay halka cabdullaahi Sheekh loo doortay guddoomiye ku xigeenka labaad waxaana uu helay 23 cod.

Guddoomiye ku xigeenkii hore ee xiriirka Cabdullaahi Abow xuseen oo u tartamayay guddoomiye ku xigeenka 2-aad ayaa sidaa ku haray kaddib markii uu helay 4 cod oo keliya.

Xubnaha guddiga Fulinta ee la doortay.



Intaa kaddib Shirweynaha ayaa guda galay u codeynta xubhana guddiga fulinta oo 7 murashax ay u tartamayeen lix-da boos ee guddiga fulinta, waxaana ay codadka u kala heleen sidan hoose.

1 Yaxye Maxamed Abuukar 28 cod..........................la doortay

2 Cabdirashiid Xuseen Caddow 25 cod..................la doortay

3 Cusmaan Jaamac Diraac 24 cod............................la doortay

4 Mustaf Cilmi Afrax 23 cod........................................la doortay

5 Xasan macalin Yuusuf 22 cod.................................la doortay

6 Xiireey Axmed Rooble 19 cod................................la doortay

Sharif Maxamed Abuukar 7 cod................................laga adkaaday

Hadaba lixdaa xubnood ee hore ayaa loo doortay xubnaha guddiga fulinta xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta afarta sanadood ee soo socota.


Somali Football Federation Media Department

Email:somalifootballmedia@gmail.com



Leave a comment