U diyaar garowga cayaaraha Rio 2016 iyo tartanka Dhalinyarada Afrika 2015 oo bilowday.

Tuesday January 28, 2014 - 03:22:02
0 Comments
2945
Super Admin
XiriirkaSoomaaliyeed ee kubada Cagta ayaa bilaabay u diyaar garowga qeybta kubada cagta ee tartanka Olombikada aduunka ee lagu qabanayo Magaalada Rio De Janerio ee dalka Brazil sanadka 2016-ka iyo sidoo kale tartanka dhalinyarada Afrika ee ka dhacaya Dalka Senegal 2015-ka.


Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubada cagta ayaa isugu yeeray ku dhawaad 90 cayaartoy oo lagasoo xulay tartamadii horyaalada Heerarka 2-aad iyo 3-aad ee u dambeeyay, si loo xareeyo tababarna loogu bilaabo, waxaana taasi ay qeyb ka tahay diyaar garowga xiriirku ugu jiro tartamada caalamiga ah ee kusoo wajahan.

 

"Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta waxaa uu u yeeray cayaartoyda oo waraaqaha u yeeritaankana loo marsiiyay naadiyadooda, waxaana tababarka cayaartoydani uu ka bilaaban doonaa garoonka Stadium Banaadir 1-da bisha Febraayo ee inasoo aadanā€¯ayuu war saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Cabdi Qani Saciid Carab maanta.



War saxaafdeedka ayaa lagu sheegay in tirada cayaartoyda loo yeeray ay dhantahay 84 cayaaryahan kuwaas oo ay horay u diiwaan gelisay waaxda farsamada ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta. Agaasimaha waaxda farsamada ee xiriirka Soomalaiyeed ee kubada cagta Macalin Cawil Ismaaciil Maxamed iyo koox macalimiin ah oo uu wato ayaa shaqadan qabanaya, sida war saxaafadeedka lagu xusay.

 

Waxaa uu xoghayaha guud ku sheegay war saxaafadedkiisa in maalmaha ugu horeeyay ee tababarkooda cayaartoydan loo qeybin doono 4 kooxood kaddibna loo qaban doono tartan kaasoo lagasii xuli doono laba xul qaran oo kala ah Xulka qaranka Under 23 oo oo ka qeyb galaya is reeb reebka cayaaraha Olombikada 2016-ka qeybta kubada cagta, halka xulka kalana uu yahay Under 20 waxaana iyaguna ay ka qeyb geli doonaan is reeb reebka cayaaraha African Youth Championship ee lagu qaban doono dalka Senegal 2015-ka.

 

Xoghaye Cabdi Qani Sacidi carab waxaa uu aad ugu amaanay agaasimaha waaxda farsamada Macalin Cawil Ismaaciil Maxamed iyo macalimiinta kale ee la shaqeeya howsha baaxada leh oo ay hayaan iyagoo juhdi fara badan ku bixinaya sidii loo heli lahaa cayaartoy tayo leh.

 

Dhanka kale Agaasimaha waaxda farsamada xiriirka Macalin Cawil ismaaciil Maxamed oo horay usoo leyliyay xulka qaranka kana mida macalimiinta sar sare ee u diiwaan gashan ururka kubada cagta Afrika ee CAF ayaa sheegay in waaxda uu madaxda ka yahay ay diyaarisay qorshe balaaran oo ku wajahan diyaarinyta dhowr xul qaran oo kala duwan waxaana uu xusay in ay hada hesytaan fursado ka badan kuwii hore uuna rajo weyn qabo soo saarista cayaartoy tayo sare leh.

 

Somali FootballFederation Media department

Email:somalifootballmedia@gmail.com



Leave a comment