Bahweynta k/cagta oo tacsi u diray Guddoomiyaha Xiriirka

Tuesday January 14, 2014 - 13:22:41
1 Comments
2861
Super Admin
Dhamnaan xubnaha bahweynta kubada cagta Soomaaliyeed iyo taageerayasha kubada cagta meel kastaoo ay joogaan waxaa ay tacsi tiiranayo leh u dirayaan guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Mudane Cali Saciid Guuleed Rooble oo looga tacsiyadeynayo geeridii ku timid Alle ha u naxariistee Walaalkiis Salaad Guuleed Rooble oo xalay ku geeriyooday magaalada Jidda ee dalka Sacuudiga.


"Inaa lilaahi wa inaa ileyhi Raajicuun, naf kasta geerida way dhadhamineysaa, waana xaqiiq wajahaysa qof kasta oo nool---anagoo ka murugeysan waxaan tacsi u direynaa walaalkeen, guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Cali Saciid Guuleed Rooble oo aan uga tacsiyadeyneyno geeridii naxdinta lahayd ee ku timid walaalkiis Salaad Guuleed Rooble”ayaa lagu yiri war saxaafadeedka oo uu ku saxiixnaa guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee xiriirka kubada cagta Soomaaliyeed Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine).



Madaxda naadiyada kubada cagta, barayaasha sar sare ee koorsooyinka xiriirka, macalimiinta, gasrooreyaasha iyo cayaartoyda heerarka kala duwan dhamaan waxaa ay tacsi u dirayaan guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Cali Saciid Guuleed Rooble. "Waxaan Allah uga baryeynaa marxuumka in uu janatul fardowsa ka waaraabiyo eheladii iyo asxaabtii uu tagayna samir iyo iimaan ka siiyo”ayaa lagu yiri war saxaafadeedka tacsida xambaarsan ee kasoo baxay xiriirka Soomaaliyeede kubada cagta maanta.

Buuga tacsida ayaa laga furay xarunta xiriirka, waxaana ilaa iyo haatan saxiixay dad aad u farabadan si ay tacsidooda ugu gudbiyaan guddoomniye cali Saciid Guuleed Rooble oo walalakiis Salaad Guuleed Rooble uu ku geeriyooday magaalada Jidda xalay saacadu markay ahayd 09:00PM waqtiga Maka Al Mukarrama.

Somali Football Federation Media department

Email:somalifootballmedia@gmail.com

 



Leave a comment