Tacsi loo dirayo xoghaye Cabdi Qani

Monday January 06, 2014 - 00:10:10
0 Comments
6339
Super Admin
Dhamaan xubnaha bahweynta kubadacagta Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan waxaa ay tacsi u dirayaan xoghayaha guud ee Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta cabdi Qani Saciid Carab oo looga tacsiyadeynayo geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Adeerkiis Alle ha u naxariistee Maxamed Carab oo ku geeriyooday magaalada Muqdsiho 6-da January 2014.


Marxuum Maxamed Carab ayaa dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay ku xanuunsanayay magaalada Gaalkacyo waxaana maanta loosoo qaaday Magaalada Muqdisho si loogu dabiibo balse islamarkii la keenayba tii Alle ayaa u timid oo waa uu geeriyooday.

"Aniga oo ku hadlaya magaca bahweynta kubada cagta Soomaaliya, waxaan tacsi u dirayaa xogayaha guud ee xiriirka Cabdi Qani Siciid Carab oo aan uga tacsiyadeyneyno geeridii ku timid adeerkiis Alle ha unaxariistee Maxamed Carab oo maanta ku geeriyooday magaalada Muqdsiho”ayuu qoraal uu soo saaray ku sheegay guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cagta Mudane Cali Saciid Guuleed Rooble maanta.



Madaxda xiriirka ee tacsida diraya waxaa ay kala yihiin: Guddoomiye Cali Saciid Guuleed Rooble, Guddoomiye ku xigeenka 1-aad Cali Cabdi Maxamed (Shiine) iyo guddoomiye ku xugeenka arrimaha horumarinta gobalada Cabdullaahi Abow Xuseen.

Xubnaha guddiga fulinta: Bashiir Maxamuud Geeseey, Mustaf Cilmi Afrax, Yaxye Maxamed Abuukar, Xasan macalin Yuusuf, Saciid Cabdalla Maxamed, Cabdirashiid Xuseen Caddow, Xiireey Axmed Rooble, iyo Cusmaan Jaamac Diraac.

Xogheynta: Xasan Maxamed Maxamuud, Caamir Cabdi Xasan, Shaafici Muxuyadiin Islow, Abuukar Islow Xasan, Cabdi Cabdulle Axmed (Baasaale), Xasan Sheylillah Cadde, Cali Maxamed Axmed iyo agaasimaha farsamada Macalin Cawil Ismaaciil Maxamed.

"Murugada waan la qeybsanaynaa walaalkeen Cabi Qani waana uga tacsiyadeyneynaa isga iyo qaraabadiisaba geeridii ku timid adeerkiis Maxamed Carab”sidaasi waxaa yiri wakiilka dhinaca maamulka ee xiriirka Soomaaliyeed u fadhiya dalka Ingiriiska Dr. Cabdi Colaad Raage oo ku hadlayay magaca bahweynta kubada Cagta ee ku nool dalka dibadiisa.

Sidoo kale dhamaan madaxda naadiyada kubada cagta, garsooreyaasha, macalimiinta iyo cayaartoyduba waxaa ay tacsi taa la mida u dirayaan xoghayaha guud Cabdi Qani Saciid Carab oo adeerkiis Maxamed Carab uu maanta oo isniin ah ku geeriyooday magaalada Muqdsiho. Alleha u naxariisto AAMIIN !!!

Somali Football federation Media Department

Email:somalifootballmedia@gmail.com



Leave a comment