X/S/K cagta oo beeniyay sheegashada GOS soona dhaweeyay doorashadii Jubada hoose

Sunday December 01, 2013 - 12:19:16
0 Comments
2626
Super Admin
Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ayaa si weyn usoo dhaweeyay doorashadii dhawaan ka dhacday Magaalada Kismaayo oo degmooyinka gobalka Jubada hoose ay ku doorteen guddiga kubada cagta gobalka, waxaana xiriirka Soomaaliyeed uu doorashadaa ku tilamaamay mid si cadaalad ah ku dhacday uuna xiriirku aqbalay natiijadii kasoo baxday.


Sidaasi waxaa lagu sheegay war saxaafadeed maanta oo Axad ah kasoo baxay xafiiska xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta kaddib markii wafdigii loo diray jubada hoose uu warbixintiisii maanta ka hor aqriyay shirka guddiga fulinta xiriirka.

Intii uu socday kulan bileedka guddiga fulinta xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta maanta ayaa xirirka Soomaaliyeed uu ansixiyay guddoomiyaha la doortay Mudane Burhaan iyo xubnaha la shaaqeyn doona oo masuuliyada howshoodu ay ka bilaabaneysay maalintii la doortay oo ku beegneyd 26-kii November 2013.



"Xiriirka Soomaaliyeed wuxuu Kismaayo u diray wafdi uu hogaaminayay ku xigeenka xoghayaha guud Mudane Xasan Maxamed Maxamuud (Xasan farey) wuxuuna goob joog ka ahaa doorashada oo ku dhacday si waafaqsan nidaamka iyo shuruucda kubada cagta, sida lagu sheegay warbixinada wafdigu soo gudbiyay---Guddoomiyaha la doortay Burhaan maxamuud Xasan waan ugu hambalyeyneynaa masuuliyadan cusub”ayuu war saxaafadeedkiisa ku yiri xoghayaha guud ee Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Mudane Cabdi Qani Saciid Carab.

Mudane Axmed Faarax Taqal ayaa sidoo kale noqday xoghayaha maamulka kubada cagta gobalka Jubada hoose. War saxaafadeedka ayaa lagu xusay in guddoomiyaha la doortay uu helay kalsoonida 4 degmo oo ka mida 5-ta degmo ee gobalka Juabda hoose uu ka kooban yahay sidaa daraadeedna uu ku noqday guddoomiyaha guddiga kubad acagta gobalka Jubada Hoose oo xirirka Soomaaliyeedna uu aqoonsaday.

Waxaa guddigan la doortay uu shaqeyn doonaa mudo sanad ah iyadoo kadibna ay dhici doonto doorasho kale oo lagusoo dooranayo guddi cusub oo talada heyn doona muddo 4 sanadood ah.

War saxaafadedka kasoo baxay xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ayaa lagu sheegay in kormeeridda iyo la socodka doorashooyinka noocan oo kale ah ay tahay shaqo uu leeyahay xiriirka Soomaaliyeed waxaana war saxaafadedka lagu beeniyay sheegashada guddiga Olombikada GOS ee ah inay doorashada iyagu kormeerayeen.

"Waxaa ay nagu noqotay arrin aad loola yaabay markii aan maqalnay xoghayaha GOS Duran oo si indha la’aan ah u sheeganaya in uu doorashadaas kismaayo ka dhacday kormeere ka ahaa, maxaa yeelay shaqadaasi waxaa ay ahayd shaqo ay kubada cagtu leedahay ee ma ahayn mid quseysay ama ay shaqo ku lahaayeen guddiga Olombikada waxaana ugu baqeynaa GOS inay cudur daar ka bixiyaan qaladaadkan noocaas oo kale ah iyadoo aanay ahayn markii ugu horeysay oo ay sheegtaan howl aanay haba yaraatee wax shaqo ah ku lahayn”ayaa lagu yiri war saxaafadeedka kasoo baxay maanta xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta.

"Xiriirka Soomaaliyeed waxaa uu ku dhiiri gelinayaa dhamaan goballada dalka in ay qabsadaan doorashooyin ay kusoo dooranayaan maamulada kubada cagta ee gobalada”ayuu xoghayaha guud Cabdi Qani Saciid Carab ku sheegay war saxaafadeedkiisa isagoo ugu baaqay gobalada kale inay soo raacaan wadada uu maray gobalka Jubada hoose oo tusaale ka dhigtaan, gobalkan oo caan ku ahaa cayaarihii gobalada dalka hadana noqday hormuud.

Xoghaye Cabdi qani Saciid Carab ayaa sheegay in maadama hada Soomaaliya ay kasoo kabaneyso dagaalo socday in ka badan 20 sanadood uu xiriirka Soomaaliyeed ahmiyad weyn siinayo sidii gobalada dalku ay usoo dooran lahaayeen guddiyo kubada cagta ah oo gobal kasta oo Soomaaliya ka mida uu yeesho.

"Waxaan rajeyneynaa in gobalada kale ay sida ugu dhaqsiyaha badan usoo dhisan doonaan maamullo iyadoo xiriirkuna uu ku garab taagnaan doono”ayuu xoghayaha guud Cabdi Qani Sacidi Carab kusoo gabagabeeyay war saxaafadeedkiisii maanta oo lagu sheegay in gobalka Jubada hoose uu hormuud u noqday doorashooyinka maamulada kubada cagta gobalada dalka Soomaaliya.

SAWIRADII DOORASHADA






Somali Football federation Media Department

Email:somalifootballmedia@gmail.com

 

 



Leave a comment