Danjire Ameriko oo casuumay xulka qaranka

Monday November 25, 2013 - 00:28:08
0 Comments
3491
Super Admin
Danjiraha dalka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya, Maxamed Cali Nuur Ameeriko ayaa caawa casho-sharaf ugu sameeyay Nairobi ciyaartoyda iyo macallimiinta xulka qaranka Soomaaliya.


Danjire Cali Ameeriko ayaa ujeedada munaasabada casho sharatfa ku tilmaamay inay qeyb ka tahay dhiiri gelin uu u sameynayo xulka qaranka Soomaaliya ee ka qeyb galaya tartanka qaramada bariga iyo bartamaha Africa, wuxuuna kula dardaarmay ciyaartoyda iyo macallimiinta inay difaacaan calanka Soomaaliya oo ay matalayaan.


Macallinka xulka qaranka Soomaaliya ee hoggaaminya ciyaartoyda, Maxamed Cabdulle Fara-yare ayaa uga mahad celiyay safiirka cashada iyo dhiirri-gelinta uu u sameeyay, isagoo ku tilmaamay inay qeyb ka tahay taageerada ay ka helayaan bulshada Soomaaliyeed ee Kenya ku nool.



Gudoomiyaha xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya, Cali Siciid Guuleed Rooble oo ka qeyb galay cashada ayaa xusay in loo baahan yahay in la dhiirri-geliyo had iyo jeer ciyaartoyda mataleysa Soomaaliya, isagoo caddeeyay in ay rajeynayaan sanadkan inay guulo ke keenaan tartanka. Guddoomiyaha ayaa aad ugu mahad celiyay Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Maxamed cali Nuur Ameeriko oo uu sheegay in waligiisba uu taageero iyo dhiir gelin la garab taagnaa xulka qaranka.


Xulka Soomaaliya ayaa ka qeyb galaya tartanka xulalka bariga iyo bartamaha Africa (CECAFA Cup) oo ka furmi doona Nairobi 27-ka bishan. Soomaaliya ayaa qeybta B kula jirta dalalka Burundi, Tanzania iyo Zambia. 
Soomaaliya ayaa kulanka ugu horreeya la ciyaari doonto Burundi 28-ka bishan, kulanka labaad ayay Tanzania la yeelan doontaa 1-da bisha December, halka kulanka ugu dambeeyay ka hor tagi doonto Zambia 4-ta December.





W/D: Ibrahim Gedow Awale (Pipo), Nairobi_Kenya,

Email:Injineerka3@hotmail.com


Xafiiska warfaafinta Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta

 

Email:somalifootballmedia@gmail.com

 



Leave a comment