Elman oo ku guuleysatay Supper Cup-ka

Wednesday November 06, 2013 - 03:25:06
0 Comments
3250
Super Admin
Naadiga Elman FC oo heysata Horyaalka Soomaaliya ayaa maanta ku guuleystay koobka koobabka ee Supper Cup, kaddib markii ay rogoore yaal 5-4 ah kaga adkaadeen kooxda Banadir Sports Club, cayaar adag oo ka dhacday garoonka Stadium Banaadir.


Cayaarta oo ahady tii ugu horesay ee lagu qabto garoonka Banadir kaddib markii cows-ka lagu goglay ayaa soo jiidatay tobanaan kun oo taageerayaal ah oo ay ku jireen masuuliyiin sar sare oo ka tirsan xukuumada Soomaaliya.

Daqiiqadii 23-aad ee cayaarta ayaa naadiga Banaadir ay heleen goolkii ugu horeeyay ee garoonka laga dhaliyo, waxaana u saxiisay weeraryahankooda Daadir Amiin Cali, iyadoo qeybtii hore ee cayaartu ay ku dhamaatay 1-0 ay Banaadir hogaanka ku heysay.



Laakin daqiiqadii 52-aad ee cayaarta ayaa mid ka mida weeraryahadan ugu waaweyn kooxda Elman Maxamed Nuur Cabdi waxaa uu kooxdiisa u dhaliyay goolkii bar bar dhaca, iyadoo 90-kii daqiiqadood ee loogu talagalayna ay cayaartu kusoo idlaatay 1-1.

Laakin kooxda Elman ayaa nasiibku saaciday kaddib markii ay 5-4 rigooreyaal ah ku guuleysteen sidaana kula tageen koobka koobabka Soomaaliya ee sanadka 2013.

"Aad ayay ii farxad gelienysaa in aan ku guuleysano koobka koobabka anagoo horyaalkana horay uheysanay”ayuu cayaarta kadib saxaafada u sheegay kabtanka ku xigeenka kooxda Elman Xasan Cali Rooble (Babaay). Koobka koobabka ayaa waxaa maalgelisay shirkada Hormuud Telecom oo ka mida sadexda shirkadood ee ugu waaweyn dalka Soomaaliya ee dhinaca teleefonada.

Guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Cali Siciid Guuleed Rooble ayaa sheegay inkastoo garoonka Banaadir lagu bilaabay in cayaaro lagu qabto hadana taasi macneheedu inaanu ahayn in garoonka si rasmi ah loo furay.

"Garoonkan wali dhisme ayaa ku suconaya qeybo ka mida laakin maadaama aanan heysan meel kale oo badal ah ayaan sii isticmaali doonaa tan iyo inta si rasmi ah looga furi doono garoonka oo shaqadiisa dayactirkuna ay soo dhameystirmeyso ”ayuu yiri guddoomiye Cali Siciid Guuleed.

Wasiir ku xigeenka wasaarada horumarinta adeega Bulshada Maxamuud Macalin yaxye oo lagu sharfay in uu koobka bixiyo ayaa uga mahad celiyay FIFA dadaaladeeda ku aadan horumarinta kubada cagta Soomaaliya oo uu sheegay in Soomaaliya ay dal kasta uga baahi badan tahay kubada cagta oo ah aalad loo maro nabada iyo is dhex galka bulshada.

Waxaa uu sidoo kale wasiir ku xigeenku ku amaanay xiriirrka Soomaaliyeed ee kubada cagta howlaha baaxada leh ee uu ka hayo dalka Soomaaliya oo hada yeeshay garoon la mida garoomada caalamiga ah ee dalalka kale ee dunidu ay heystaan marka loo eego in garoonku uu hada noqday heer FiFA.







Somali Football Federation Media Department

Email:somalifootballmedia@gmail.com



Leave a comment