Xiriirka kubada Cagta Soomaaliya oo Naqdiyay Kenya

Tuesday November 05, 2013 - 02:19:26
0 Comments
3534
Super Admin
Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ayaa si weyn u cambaareeyay war uu dhawaan sii daayay guddoomiyaha xiriirka kubada cagta dalka Kenya Sam Nyamweya oo shaaciyay wax uu ku sheegay 'Hindise nabadeed' loo marayo kubada cagta oo lagusoo bandhigayo tartanka qaramada bariga iyo bartamaha Afrika ee dhawaan ka furmi doona Nairobi taasoo xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta iyo CECAFA aayany waxba ka ogeyn guddoomiyaha Kenyana aan la garanayn meesha uu ka keensaday warkaas.


Xoghayaha guud ee Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Mudane Cabdi Qani Saciid Carab oo war saxaafadeed soo saray ayaa beeniyay warka kasoo yeeray guddoomiyaha Kubada cagta Kenya oo uu sheegay in ay xad gudub ku tahay in uu isaga dhawaaqo arrin Soomaaliya ku saabsan.

"Wax aad loola yaabo ayay nagu noqotay markii aan warbaahinta Kenya ka maqalnay guddoomiyaha Kubada cagta Kenya oo ku dhawaaqaya wax meesha uu ka keensaday aan la garanayn oo uu ku sheegay shir nabadeed loo marayo kubada cagta oo ku saabsan Soomaaliya laguna soo ban dhigayo Tartanka CECAFA---taasi waa wax aan anaga na quseyn waxaana ay ku kooban tahay ninkii sheegay”ayuu yiri Cabdi Qani Sacidi Carab oo sidoo kale gudoomiye ka ah guddiga tartamada CECAFA.



War saxaafadeedka uu soo saaray xoghayaha guud ayaa lagu sheegay in cid kasta oo daneyneysa in ay ka qeyb qaadato arrimaha nabada Soomaaliya oo dhanka kubada cagta loo marayo ay u furantahay in ay toos ulasoo xariirto xiriirka kubada cagta Soomaliyeed oo ah hey’adda sharci ahaan xaqa u leh arrimahaasoo kale in ay iclaamiso ama abaauhso, isagoo xusay in sidoo kale loo soo mari karo ururka CECAFA oo Soomaaliya ay xubin buuxda ka tahay.

"Kenya iyo Soomaaliya waxaa ka dhexeeya xiriir walaaltinimo oo muddo dheer soo jiray xag maamul dowli ah iyo xag kubada cagta intaba, waxaana cadeynayaa sidoo kale in xiriirada kubad cagta ee Soomaaliya iyo Kenya ay ka dhexeyso wada shaqeyn mudo soo jirtay, sidaa daraadeed waxaan ugu baaqaynaa guddoomiyaha kubada cagta Kenya in uu raali gelin deg deg ah ka bixiyo hadalkiisa oo ah mid aan la aqbali kareyn isla markaana uu dhowro wada shaqeynyta noo dhexesya”ayuu Cabdi Qani Saciid Carab ku sheegay war saxaafadeedkiisa oo isagoo ku qoran Afka Ingriirska loo qeybiyay warbaahinta caalamiga ah.

"Anigoo ku hadlaya magaca xiriirka Soomaaliyeed ee kubadacagta waxaan cod dheer ku sheegayaa in xiriirka Soomaaliyeed uu aad uga mahad celinayo dowlada iyo shacaka Kenya soo dhaweynta wanaagsan oo ay u fidiyeen qoxootiga Soomaaliyeed ee dalkooda jooga”ayuu xoghaye Cabdi Qani Saciid Carab ku sheegay war saxaafadeedkiisa oo si deg deg ah loo soo saaray xili habeen bar ah si Xiriirka Kenya loo siiyo Jawaab celin deg deg ah.

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta uu u arko hadalka uu sii daayay guddoomiyaha xiriirka kubada cagata Kenya (ku tiri ku teen aan laga fiirsan’ wax shaqo ahna aan la lahayn arrimaha kubada cagta Soomaaliya iyo guud ahaan shacbi weynaha Soomaaliyeed intaba.

Cabdi Qani Saciid Carab oo sidoo kalana ah guddoomiyaha Guddiga tartamada ee xiriirka kubada cagta bariga iyo bartamaha Afrika ee CECAFA ayaa warka uu soo saaray oo loo gudbiyay FIFA iyo CAF waxaa uu culeys xoogan ku noqonayaa maamulka Kubada cagta Kenya oo hada u diyaar garoobaya inay marti geliyaan cayaaraha qaramada CECAFA oo 27-ka bishan ka bilaabanaya magaalada Nairobi.

Somali FootballFederationMedia Department

Email:somalifootballmedia@gmail.com



Leave a comment