Isku aadka horyalka heerka 1-aad oo la shaaciyay

Sunday November 03, 2013 - 20:18:14
0 Comments
3309
Super Admin
Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ayaa maanta shaaciyay isku aadka horyaalka heerka 1-aad ee dalka oo lagu wado in uu ka furmo garoonka stadium Banaadir maalinta jimcaha ee taariikhduna ku beegan tahay 8-da bisha November 2013.


Isku aadka ayaa looga dhawaaqay kulan heer sare ah oo maanta ka dhacay hotelka Global ee magaalada Mqudsiho. Kulanka ayaa waxaa kasoo qeyb galay dhamaan xubanaha guddiga fulinta ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta iyo madaxda naadiyad heerka 1-aad ee tartanka ka qeyb geli doona.

Sida ku cad isku aadka maanta la shaaciyay waxaa cayaata furitaanka isaga hor imaan doona naadiga heegan oo kaalinta 2-aad ka galay horyaalkii sanadkii hore iyo naadiga Gaadiidka oo ka mida naadiyada dib usoo noolaady ee horay dalkauga jiri jiray.



"Shaqada dib u dhiska ee ka socotay garoonka Banaadir ayaa dib u dhac u keentay tartankan oo lagu waday in uu furmo bishii September 5-teedii---wali qeybta VIP-da ee garoonka dhismeheedii inta badan wa dhiman yahay waxaase xiriirku go’aan ku gaaray in tartanka la bilaabo maadama sanadku sii dhamaanayo”ayuu munaasabada ka sheegay xoghayaha guud Cabdi Qani Saciid Carab.

Waxaa uu xoghayuhu intaa raaciyay inkastoo wali VIP-du aanay dhameystirneyn hadana in qeybaha kale ee garoonku ay awood u leeyihiin in tartan lagu marti geliyo madaama qeybo badan oo muhiim ah la dhameystiray.

"Waxaan ka rajeyneynaa FIFA in ay soo dhameystirto inta ka hartay dhismah aVIP-da oo ah qeybta bisha bilicda garoonka”ayuu yiri xoghayaha guud cabdi Qani Saciid Carab oo sheegay in qeybtaas dhismeheedu sii soconayo tartankana lagusii garab wadi doono.

Guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Mudane Cali Siciid Guuleed Rooble oo kulankii maanta hogaaminayay ayaa ugu dambeyntii ku dhawaaqay in horyaalku uu si rasmi ah u furmi doono maalinta jimcaha ee inasoo aadan.




Somali Football federation Media Department

Email:somalifootballmedia@gmail.com



Leave a comment