FIFA oo Garoon & xafiisyo u dhiseysa Soomaaliya

Friday November 01, 2013 - 20:43:22
0 Comments
3484
Super Admin
Iyadoo ururka kubada cagta aduunka ee FIFA uu ahmiyad weyn siinayo horumarinta kubada cagta Soomaaliya ayaa xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta waxaa uu shaaca ka qaaday in FIFA ay ansixisay mashruuc kale oo balaaran oo Soomaaliya loogu dhisayo xarun weyn oo xiriirku ku shaqeyn doono iyo garoonka jaamadacaha oo la dhisayo laguna gogli doono cows sida uu sheegay xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Cabdi Qani Saciid Carab oo maanta war saxaafadeed soo saaray.


"Sanadkan waxaa FIFA ay ansixisay mashruuc kale oo cows lagu saarayo garoonka Jaamacadaha ee Magaalada Muqdisho oo tan iyo 2010-kii ahaa goobtii lagu qabanayay tartamada xiriirka”ayuu war saxaafadeedkiisa ku sheegay xoghayaha guud Cabdi Qani Saciid Carab maanta.

Garoonkani waxaa uu ahaa meel howd ah waxaana geedihii ka baxayay ka jaray oo qaab garoon u ekeysiiyay xiriirka dhamadkii December 2009-kii, waxaana wixii ka dambeeyay lagu qabtay tartamo kala duwan.



Hadaba si garoonkan looga dhigo mid gaarsiisan heer caalami ayaa xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta waxaa uu ka dalbaday FIFA ay in ay dib u dhis ku sameyso cows-na saarto garoonkan, tasoo FIFA ay ka aqbashay xiriirka Soomaaliyeed ee kubad cagta kaddib markii mashruucii kan ka horeeyay ee Stadium Banaadir uu u fulay sidii FIFA ugu tala gashay dhismuhuna haatan marayo meel gabagabo ah.

"Maanta oo ay taariikhdu tahay 1-da November 2013, waxaa sharaf u ah xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta in uu la socodsiiyo umada Soomaaliyeed guushan kale ee dalku gaaray iyadoo la kashanayo FIFA oo ah hey’ada maamusha kubada cagta aduunka”ayuu war saxaafadeedkiisa ku sheegay xoghayaha guud Cabdi Qani Saciid Carab.

Ka sokow masuuliyada uu ka hayo xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Cabdi Qani waxaa uu xubin ka yahay guddiga sare ee FIFA waxaana uu sidoo kale yahay guddoomiyaha guddiga tartamada ee ururka kubada cagta bariga iyo bartamaha Afrika ee CECAFA.

War saxaafadeedka uu maanta soo saaray xoghayaha guud ayaa lagu sheegay in horaantii sanadkan Ururka jaamacadaha Soomaaliyeed uu ku deeqay xiriirka dhulka garoonka jaamacadaha iyadoo kaddibna uu xiriirka Soomaaliyeed ka dalbaday FIFA mashruucan dhismaha ee balaaran kaasoo lagu guuleystay.

"Wasaarada horumarinta adeega bulshada iyo ururka jaamacadaha Soomaaliyeed ee SNU waxaa ay aad ugu amaan mudan yihiin gacanta weyn oo ay siiyeen xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta, waxaana taasi ay muujineysaa sida hey’adaha dowliga ah ay uga go’antahay horumarinta kubada cagta dalka---waxaan cod dheer ku qirayaa in dowlad la’aanteen aanu xiriirku awoodin in uu horumar sameeyo”ayuu war saxaafadeedkiisa ku sheegay xoghayaha guud Cabdi Qani Saciid Carab.

Waxaa war saxaafadeedka lagu sheegay in shirkad caalami ah oo qaabislan dhinaca dhismaha garoomada ay xiriir lasoo sameysay madaxda xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta horaantii bishii tagtay isla markaana ay dalbadeen in ay sarkaal usoo dirsadaan Soomaaliya iyagoo qiimeyn ku sameynaya garoonka si ay isugu dayaan in ay helaan qandaraaska mashruuca dhismaha garoonka kaddib markii ay shirkadu ka war heshay in FIFA ay Soomaaliya u ogolaatay mashruuca garoonkan cowska lagu saarayo.

"Sarkaal ka tirsan shirkada la yiraahdo Green Cover ayaa xiriir ilasoo sameeyay isagoo naga codsday in ay soo dirsadaan sarkaal waana ka aqbalay anigoo ku hadlayay magaca xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta waxaana sarkaalkaasi uu soo gaaray Muqdisho 28-kii bishii tagtay wuxuuna nala joogay muddo 4 maalmood ah maanta ayuuna soo gabagabeeyay safarkiisii Soomaaliya”ayuiu xoghayaha guud Cabdi Qani Saciid Carab ku sheegay war saxaafadedkiisa.

Sarkaalkan oo lagu magacaabo Per Morgan Jagervall ayaa muddo 4 maalmood ah oo uu joogay dalka Soomaaliya waxaa uu booqday meelo kala duwan oo ay ka mid yihiin garoonka jaamacadaha oo ay shirkadiisu dooneyso in ay qaadato qandaraaska dhismaha iyo sidoo kale garoonka Stadium banaadir oo qandaraaska dhimihiisa ay horay u heysatay shirkad kale oo laga leeyahay dalka Holand kaasoo iminka heer gabagabo ah maraya.

Waxaa guul weyn ah in maanta Soomaaliya ay usoo kala ordayaan shirkado caalmaiga ah iyagoo doonaya in ay mashaariic ka fuliyaan kuna guuleystaan qandaraasyada ay bixiso FIFA.

"Waxaan aad ugu mahad celinayaa masuuliyiinta xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta oo markii hore shirkadeena ka aqbalay codsigeedii ahaa in ay Soomaaliya wakiil usoo dirsan karto si uu u qiimeyo howsha laga qabanayo garoonka”ayuu yiri wakiilkan ka socday Shirkad Green cover Mr Per Morgan Jagervall.

"Madaxda xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta waxaa ay ii sameeyeen soo dhaweyn aad u heer sareysa----mudadii aan joogay dalka waxaan booqday meelo kala duwan oo uu ka mid yahay garoonka aanu dooneyno qandaraaska dhismihiisa in aan ku guuleysano, waxaa kale oo aan booqday xeebta Liido, runtii aad ayaan ugu raaxeystay jawiga maalmihii aan joogay Muqdisho”ayuu yiri Mr Per Morgan Jagervall markii saaka lagusii sagootinayay dhabaha diyaaradha Aadan Cadde ee magaalda Muqdisho.

Si kastaba ha ahaatee xoghayaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Mudane Cabdi Qani Saciid Carab ayaa shaaca ka qaaday in Soomaaliya ay soo dhaweyneyso dhamaan shirkadaha caalamiga ah ee dhisa garoomada hadii ay dalka imaanayaan, waxaana imaatinkaasi uu u furan yahaybuu yiri shirkadaha heshiiska kula jira FIFA oo keliya.

"Soomaaliya way u furan tahay shirkadaha dhismaha ee ku jira heshiiska qandaraasyada FIFA, waana soo dhaweyneynaa”ayuu war saxaafadeedkiisa kusoo gabagabeeyay xoghaye Cabdi Qani Sacidi Carab oo sheegay in shirkadii soo buuxisa shuruuraha laga rabo ay ku guuleysan doonto qandaraaska dhismaha.

Talaabadan ayaa ah guul kale oo weyn oo Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta uu usoo hooyay umada Soomaaliyeed sanadkan guidhiiisa, waxaana ka horeeyay mashruucii balaarnaa ee tababarka FIFA grassroots course oo ay ahayd markii ugu horeysay taariikhda inta la ogyahay oo Soomaaliya ay hesho koorso noocaas oo kale ah.


Somali Football Federation Media Department

Email:somalifootballmedia@gmail.com



Leave a comment