Dib u dhaaac mudo kooban ah oo ku yimid cayaartii supper cup-ka

Tuesday October 15, 2013 - 12:34:07
0 Comments
2625
Super Admin
Injineerada ka shaqeynaya garoonka kubada cagta ee Stadium Banaadir ayaa saaka kusoo war geliyay xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta in dib u dhac koobani uu ku yimid shaqooyin ay damacsanaayeen in ay dhameystiraan ka hor kamaalinta khamiista ah taasina ay keeneyso in cayaarti Supper cup ay iyana dib u dhacdo.


Hadaba xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta oo ka shidaal qaadanaya warbixinta injineeradu soo gaarsiiyeen ayaa go’aan deg deg ah ku gaaray in muddo kale la siiyo xiliga la qabanayo cayaarta supper cup-ka.

War saxaafadeed xalay kasoo baxay xafiiska warfaafinta xiriirka ayaa lagu sheegay in cayaartasi dhici doonto 17-ka bishan laakin maadaama injineeradu sheegeen in howlaha yar yar ee u dhiman aanay ku dhameyn Karin mudadaas ka hor ayaa xiriirkuna ku dhawaaqay in dib u dhacaasi uu ku yimid cayaarta supper- cup.



"Injineerada garoonka ka shaqeynaya ayaa nagusoo war geliyay in muddo ku dhawaad 10 maalmood oo kale ah ay qaadaneyso in ay soo dhameystiraan howlaha yar yar ee u harsan oo markii hore ay qorsheynayeen in ay soo dhameystiraan maalinta Arbacada ah ee inasoo aadan taasina waxaa ay keeneysaa in garoonka aan wax cayaaro ah lagu qaban Karin inta howshaas lagasoo dhameystirayo”ayaa lagu yiri agaasimaha xafiiska warfaafinta xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Shaafici Muxyiadiin (ISLOW)

Hadaba waxaa xiriirku uu uga curdur daaranayaa dadweynaha Soomaaliyeed ee cayaaraha jecel dib u dhacaas yar ee ku yimid dhameystirka howlaha yar yar ee ka hasran dhismaha garoonka.

"Waxaanu dib kasoo sheegi doonaa xiliga la qabanayo cayaarta supper cup-ka waxaana taasi ay ku xirnaan doontaa marka howlahaas garoonka ka socdaahi ay soo dhameystirmaan”ayaa war saxaafadedka dambe lagu sheegay.

"Cillad xaga farsamada ah ayaa timid taasoo ay saaka nagusoo war geliyeen injineerda garoonka ka shaqeynaya, cilladaha farsamana waa wax mar kasta dhici kara waxaana rajeyneynaa in dhawaan arimaha garoonku soo dhamaadaan markaa kadidbna aanu sheegi doono xiliga supper cup-ku uu dhacayo”ayaa lagu yiri war saxaafadeedkaas oo uu soo saaray agaasimaha warfaafinta xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Shaafici Muxyiadiin (ISLOW).

Somali football Federation Media department



Leave a comment