Supper Cup: Elman VS Banadir.S.C

Tuesday October 15, 2013 - 02:23:15
0 Comments
814
Super Admin
Waaxda tartamada ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ayaa ku dhawaaqday xiliga la qabanayo cayaarta koobka koobabka ee sanadka 2013-ka waxaana xiriirku shaaciyay in cayaartaasi ay ka dhici doonto garoonka Stadium Banaadir 17-ka bishan oo ku beegan Khamiista inasoo aadan.


Waxaa sidoo kale xiriirku shaaciyay astaanta rasmiga ah ee cayaartaas oo calaamadaha labada naadi iyo taariikhda la qabanayo ay ka muquanayaan. Naadiga Elman ayaa heysta horyaalka dalka halka naadiga Banaadir Sports Club ( Ex Banaadir Telecom) uu isna heysto koobka General Daa’uud.

Guddoomiyaha guddiga tartamada xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Mudane Cali Cabdi maxamed (Cali shiine) oo war saxaafadeed soo saaray ayaa sheegay in labada naadi ee Elman iyo Banaadir ay yihiin kuwo aad u nasiib badan maadaama ay fursad u heleen in ay noqdaan labada naadi ee ugu horeeyay ee ku cayaara garoonka kaddib markii cows-ka la saaray.



"Garoonka qeybo aan badneyn oo ka mida wali dib u dhis ayaa ku socda, laakin goobta cayaartu diyaar ayay u tahay in tartan lagu qabto—xiriirka kubada cagta Soomaaliyeed wuxuu gaaray go’aanka ah in la qabto koobka koobabka waqtiga aan soo sheegnay, sababtoo ah in dhameystirka dhismaha lasii sugo waqti kale ayay qaadaneysaa, taasina waa sababta aanu u qaadanay go’aanka ah in cayaartan la qabto madaaama waqtigu nagu yar yahay howlo farabadana na horyaaliin”ayuu war saxaafadeedkiisa ku yiri guddoomiyaha guddiga tartamada Cali Cabdi maxamed (Cali Shiine).

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in cayaarta koobka koobabku ay noqoneyso tii ugu horeysay ee garoonka lagu qabto tan iyo markii cows-ka la saaray. Horyaalka heerka 1-aad ee dalka ayaa isna la filayaa in uu malamo kadib furmo sida qorshuhu yahay. Horyaalkan ayaa ah tartanka ugu shacbiyada iyo xiisaha badan cayaaraha isboorti ee lagu qabto dalka Soomaaliya.

Waxaa war saxafadeedka lagu sheegay in qolalka labiska cayaartoyda, musqulaha, qolka lagu qabanayo shirarka jaraa’id cayaaraha kaddib, hoolalka shirarka iyo qeybo kale oo badan dayactitrkoodu soo dhamaaday inkastoo wali ay dhimantahay qeybta VIP-da oo aad muhiimad ugu leh bilicda garoonka, taasoo sida war saxaafadeedka lagu xusay dhismeheedu sii socon doono lana rajeynayo in FIFA ay soo dhameystirto ka hor dhamaadka sanadkan.

Boqolaal ka mida taageerayaasha kubada cagta ayaa maalin kasta soo booqda garoonka iyagoo isku dayaya in ay bal ogaadaan xiliga tartamada lagu bilaabi doono garoonkan.

"Tirada dadka Soomaaliyeed ee garoonka soo booqanaya aad ayay u kordheysaa maalinba maalinta ka dambeysa, sababtoo ah dadka Soomaaliyeed aad ayay u jecelyihiin cayaaraha kubada cagta waxaana taa sii dheer iyagoo aad ugu hamuun qaba mar uun in ay cayaaro ku dawadaan garoon heer caalami ah oo noociisa oo kale aanay Soomaaliya horay u yeelan”ayuu war saxaafadeedkiisa ku sheegay guddoomiyaha guddiga tartamada Mudane Cali Cabdi Maxmed (Cali shine).

Cayaarta koobka koobabka oo dhex mari doonta naadiyada Elman FC iyo Banadir Sport Club ayaa dhici doonta maalinta khamiista ah ee inasoo aadan oo taariikhduna ku beegan tahay 17-ka bisha October sanadka 2013 saacadu marka ay tahay 03:30-ka galabnimo.

Somali Football Federation Media department

Email:somalifootballmedia@gmail.com



Leave a comment