Cayaaryahano la ganaaxay

Sunday October 13, 2013 - 01:33:15
0 Comments
2659
Super Admin
Sadex cayaartoy oo ka tirsan horyaalka heerka 3-aad ee dalka Soomaaliya ayaa labaka mida la ganaaxay midkiiba hal cayaar in uu ka maqnaan doono, halka cayaaryahanka kalana laba cayaarood laga ganaaxay kaddib markii ay galeen qaladaad ka dhan ah xeerka kubada cagta intii ay socotay cayaar tirsigeedu ahaa 61 oo dhex martay naadiyada kala ah Raadsan iyo Bariga dhexe 6-dii bikshan October.


Hadaba guddiga aadaabta iyo Dishibiliinka ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta oo shir isugu yimid xarunta xiriirka ayaa ku dhawaaqay go’aanka sadexdan cayaaryahan lagu saaray ciqaabta.

Hadaba markii guddiga aadaabta iyo Dishibiliinku uu arkay warbixinadii ay soo gudbiyeen garsooraha iyo xeer ilaaliyihii cayaartaas, isla markaana uu guddigu cuskaday qodobada 34-aad farqadiisa (E), 36-aad iyo 37-aad ee xeerka horyaalka waxaa uu guddigu qaatay go’aankan hoos ku cad.



Cayaaryahan Abuukar Cilmi Xasan oo xirta nambarka 1-aad kana tirsan naadiga Raadsan waxaa laga ganaaxay halka cayaar ee ugusoo horeysa naadigiisa, halka Cayaaryahan Maxamed Haashim Axmed oo nambarka 5-aad u xirta isla naadiga Raadsan isna la ganaaxay laba cayaarood. Sidoo kale cayaaryahan Xaamid Cali Madoore oo nambarka 16-aad u xirta naadiga Bariga Dhexe waxaa isna la ganaaxay hal cayaar oo ah tan ugusoo horeysa kooxdiisa.


Cayaaryahanadan ayaa intii ay socotay cayaar dhex martay labada naadi taariikhda aan kor kusoo xusnay waxaa ay ku keceen falal anshax darro ku ah xeerka tartanka isla markaana lidi ku ah qawaaniinta kubada cagta ee caalamiga ah, iyadoo qodobada xeerka tartanka loo cuskadayna waxaa la saaray ganaax-yada oo u kala culus hadba sida dambiyadii ay galeen ay u kala cuslaayeen.

Digreetada ganaaxa lagu saaray cayaaryahanadan oo soo baxday 12-kii bishan ayaa waxaa ku saxiixnaa kaaliyaha xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Xasan Maxamed Maxamuud (Xasan Farey)




By Cumar Ibraahim Cabdi Salaan

Somali Footballl Federation Media department

Email:somalifootballmedia@gmail.com


Leave a comment