Guddoomiyaha SFF oo kormeeray Stadium Banaadir

Sunday October 06, 2013 - 01:47:20
0 Comments
5655
Super Admin
Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cagta Mudane Cali Saciid Guuleed Rooble ayaa socdaal howleed ku tagay garoonka kubada cagta Sadium Banaadir oo dhismihiisu heer gaba gabo ah marayo. Garoonka ayaa lagu wadaa in dhawaan lagu qabto tartanka horyaalka heerka 1-aad ee dalka oo naadiyada ka qeyb galaya ay mudodoyinkan diyaar garow ku jireen.


Guddoomiye Cali Saciid Guuleed Rooble oo hogaaminayay xubno ka tirsan guddiga qiimeynta dhismaha garoonka ayaa soo kormeeray qeybaha kala duwan ee garoonka sida qolalka labiska cayaartoyda, qeybaha nadaafada, hoolka loogu talagalay in lagu qabto shirarka jaraa’id cayaarta kaddib, iyo qeybo kale oo muhiim ah.

Guddoomiye Cali Saciid Guuleed Rooble iyo wafdigiisa ayaa sidoo kale soo kormeeray in adeega koronto ee garoonku shaqeynayo, waxaana ujeedada kormeerku ay ahayd in lasoo hubyo in garoonku u diyaarsan yahay marti gelinta tartanka horyaalka heerka 1-aad oo ah tartanka ugu xiisaha iyo shacbiyada badan dalka Soomaaliya.



"Waxaa ay noqon doontaa guul weyn iyo talaabo taariikhi ah oo horay loo qaaday hadii horyaalka dalka lagu qabto garoonk heer caalami ah, inta badan shacabka Soomaaliyeed aad ayay u jecelyihiin cayaarta kubada cagta, waxaana mar kasta aragna adad aad u farabadan oo na weydiinaya xiliga horyaalku furmi doono, taas ayaana muujineysa in dadweynaha Soomaaliyeed ay aad u dhararayaan bilowga tartanka”ayuu yiri guyddoomiye Cali Saciid Guuleed Rooble oo war saxaafadeed soo saaray kaddib markii uu xaalada garoonak soo indha indheeyay.

Guddoomikyaha ayaa ugu bishaareeyay dad-weynaha Soomaaliyeed ee kubada cagta jecel in horyaalka dalka ee heerka 1-aad uu si rasmi ah u furmi doono 18-ka bishan.

Waxaa uu Guddoomiye Cali Saciid Guuleed Rooble sheegay in helitaanka garoon casri ah oo lagu cayaaro horyaalka dalka ay sii kordhin doonto xiisaha iyo rabitaanka shacabka Soomaaliyeed ay uqabaan kubada cagta, maadaama buu yiri qof kasta uu doonayo in uu soo booqdo garoonkan oo noociisa oo kale aanu dalku horay u lahayn.

"Maanta aniga iyo wafdigeygu waxaan soo kormeernay garoonka stadium Banaadir waxaana go’aan uu xiriirku ku gaaray markaa kaddib in tartanka la bilaabo,howsha dib u dhiskuna ay kasii socoto qeybaha kale ee garoonka, sababtoo ah waqti ma heysano oo jadwalka wax qabad ee xiriirkana aad ayuu u buuxaa, sidaa daraadeed tartanku waa bilaabanayaa maadaama ay noo yaaliin howlo aad u farabadan oo ay ka mid tahay qabashada tartanka gobolada dhamaadka sanadka”ayuu guddoomiyuhu ku yiri war saxaafadeedkiisa.

Tartanka horyaalka ayaa sanadkan la qiyaasayaa in uu soo jiidan doono taageerayaal ka badan kuwii hore maadaama ay jiraan dad weyne Soomaaliyeed oo gobollada dalka uga imaanaya daawashada tartankan oo lagu qabanayo garoon heer caalami ah markii ugu horeysay.

Waxa kaloo jira dadweyne Soomaaliyeed oo dibadaha kasoo laabanaya kuwaas oo doonaya in ay horyaalka dalkooda ku daawadaan gudaha dalka markii ugu horeysay muddo ka badan 20 sanadood,halka markii hore ay warbaahinta kala socon jireen




Photos: By Omar Ibrahim, SFF Media

Somali Football Federation Media department

Email:somalifootballmedia@gmail.com



Leave a comment