Soomaaliya oo dib ugusoo laabatay maamulka sare ee Tartamada FIFA

Friday September 13, 2013 - 09:49:41
0 Comments
3340
Super Admin
Markii ugu horeysay muddo ku dhawaad 10 sanadood ah ayaa masuul sare oo ka socda xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta waxaa uu ka mid noqday masuuliyinta maamuli doona cayaaraha koobka aduunka ee FIFA beach soccer world cup ee bishan 18-keeda ka furmi doona dalka Tahiti, waxaana tani ay tusaale weyn u noqoneysaa in Soomaaliya ay kusoo laabatay maamulka sare ee cayaaraha Adduunka kaddib Faarax wehliye Cadow Sendiko.


Xoghayeha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Mudane Cabdi Qani Saciid Carab oo bishii December 2011-kii loo magacaabay in uu xubin ka noqdo FIFA ayaa markii ugu horeysay hada ka mid noqday guddiga sare ee loosoo xulay in ay maamulaan tartanka caalamiga ah ee FIFA beach soccer world cup oo dalka Tahiti ka dhici doona inta u dhexeysa 18-28 ee bishan September.

"Tani waa talaabo weyn oo horay loo qaaday waxaana ay tusaale cad u noqoneysaa dib usoo noolaashada sumcadii Soomaaliya ay ku dhex lahayd maamulka sare ee FIFA wixii ka dambeeyay markii FIFA ay ganaax saartay guddoomiyihii hore ee xirirka Soomaaliyeed kana mid ahaa guddiga FIFA Alle ha u naxariistee Faarax Wehliye Cadow Sendiko”ayuu yiri madaxa xafiiska warfaafinta ahna afhayeenka xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Shaafici Muxuyadiin Abuukar "Islow”



Cabdi Qani ayaa noqonaya qofkii labaad ee Soomaaliyeed oo darajo heerkan oo kale ah ka gaara FIFA, waxaana ka horeeyay oo keliya Faarax Sendiko.

"Dib ayay hada Soomaaliya ugusoo laabatay masraxa maamulka sare ee cayaaraha FIFA waxaana ay taasi dhiiri gelineysaa dhamaan umada Soomaaliyeed”ayuu war saxaafadeedkiisa ku yiri afhayeenka xiriirka ahna xubin ka trisan ururka kubada cagtabariga iyo bartamaha Afrika ee CECAFA Shaafici Muxuyadiin.

"Mr Cabdi Qani Saciid Carab waa nin aad u fir fircoon waxaana uu horay saameyn weyn ugu dhex lahaa ururka CECAFA oo uu guddoomiye ka yahay guddiga qaban qaabada tartamada CECAFA, waxaa uu ka mid yahay dhalinyarada sida aadka ah u shaqeeya ee uu kalsoonida weyn ku qabo guddoomiyaha FIFA Jopseph S Blatter” ayuu war saxaafadeedkiisa ku yiri afhayeenka Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Shaafici Muxuyadiin.

Soomaaliya waxaa ay horay dhowr xubnood ugu lahady guddiyada CAF iyo CECAFA oo kala maamula kubada cagta Afrika iyo tan bariga iyo bartamaha Afrika. Mr Cabdi Qani Saciid Carab ayaa loo tix geliyaa in uu ka mid yahay dadkii kaalinta weyn kasoo qaatay naftoodana u huray in kubada cagta Soomaaliya ay sii socoto 20-kii sano ee lasoo dhaafay oo dalkan Soomaaliya ay dagaaladu la dageen kubada cagtana ay ay kooxaha Islaamiyiintu mamnuuc ka dhigeen markii ay dalka qabsadeen 2006-dii .

Somali FA media department

Email:somalifootballmedia@gmail.com



Leave a comment