Wasiirada Adeega Bulshada oo la siiyay Abaalmarinta FIFA Fair Play

Thursday August 15, 2013 - 21:51:25
0 Comments
6074
Super Admin
Wasiirada horumarinta adeega Bulshada Drs Maryan Qaasim ayaa ku amaantay talaabada ururuka FIFA uu koosrooyinkiisa Soomaaliya ugusoo raray dalka Gudihiisa, iyadoo xustay in dowlada Soomaaliyeed ay ahmiyad weyn siineyso horumarinta kubada cagta dalka oo ay sheegtay in kubada cagtu ay tahay xiriirka keliya ee wax qabadkiisa gaarsiiyay gobalada dalka.


Wasiirada ayaa hadalkan ka sheegtay kulan ay xafiiskeeda kula yeelatay Ulric Mathiot oo ah Khabiirka ay FIFA usoo dirtay dalka Soomaaliya iyadoo halkasina wasiirada lagu guddoonsiiyay abaal Abaalmarinta FIFA Fair Play.

Intii uu kulankani socday ayaa khabiirku waxaa uu uga mahad celiyay dowlada Soomaaliya kaalinta ay ka geysaneyso in barnaamjiyada FIFA lagu qabto dalka gudihiisa ,isagoo sidoo kalana Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ku amaanay shaqda baaxada leh ee uu dalka u hayo.



Muhiimada ugu weyn ee Khabiirku u tagay wasaarada ayaa hayd in uu masuuliyiinta dowlada Soomaaliya sharaxaad buuxda kasiiyo muhiimada tababarka noocan oo kale ahi uu u leeyahay Soomaaliya oo ah dal hey’adihii dastuuriga ahaa ay bur bureen nidaam darro iyo dagaalo sokeeye oo daba dheeraday awgood.


"Koorsadan waxaan diirada ku saareynaa habka kubada cagta loogu bar baariyo caruurta da’doodu u dhexeyso 6 ilaa iyo 12 sanadood, waxaana arrinkan loogu tala galay in kubada cagta lagasoo dhiso hoos---Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta waxaa uu qabtay shaqo awoodiisa ka badan taas hadii lagu daro tababarka noocan ah oo sii socda waxaan hubaa in kubada cagta Soomaaliya ay meel sare gaari doonto”ayuu khabiirku u sheegay wasiirada intii kulanku uu socday.


Wasiirada ayaa dhankeeda si weyn usoo dhaweysay in FIFA ay howleheedii dib uga bilowday dalka Soomaaliya gudhiisa , waxaana ay macalinka ku amaantay in uu daahfur u noqday imaatinka macalimiinta FIFA ee dalka tan iyo 1986-kii.


"Mudane macalin waxaan hortaada ka amaanayaa masuuliyiinta xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta oo naftoodii u huray horumarinta kubada cagta dalkan oo aad ogtahay in lagu noolaado xataa in ay aad u adkeyd”ayay wasiiradu u sheegtay khabiirka ka socda FIFA Mr. Ulric Mathiot.


"Tababarka FIFA grassroots course ee lagu qabanayo Muqdisho waa hindise aad ugu muhiim ah laba arrimood oo kala ah horumarinta kubada cagta oo hoos laga soo bilaabo iyo ka hortaga caruurtu inay daroogo isticmaalaan ama ku dhacan fal dambiyeedyo kale”ayay hadalkeeda sii daba dhigtay wasiirada horumarinta adeega bulshada Drs Maryan Qaasim.


"ka dowlad ahaan waan ka gacan siineynaa xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta barnaamijyada horumarineed ee uu wado intii karaankeena ah, FIFA-na waxaan ka codsanaynaa inay sii laba jibaaraan wax qabadkooda Soomaaliya”ayay tiri iyadoo ka dhawaajisay in xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta uu yahay xiriirka keliya ee wax qabadka dhabta ah ka muujiyay dalka gaarayna gobalada Soomaaliya oo dhan 23-kii sano ee lasoo dhaafay.


Somali Footballfederation Media Department

Email:somalifootballmedia@gmail.com



Leave a comment