Diyaaradii uu la socday Khabiirka ayaa soo
caga dhigatay dhabaha diyaaradaha AadanCadde ee magaalada Muqdisho abaara 8-dii
subaxnimo ee saaka waxaana garoonka kusii sugayay oo soo dhaweeyay madax ka
socota xiriirka oo ay ka mid yihiin xoghayaha Guud Cabdi Qani Saciid Carab iyo Cali Cabdi Maxamed (Shiine) oo xubin ka ah guddiga fulinta xiriirka kuwaas oo ilaa iyo saaka
waabarigii hore kusii sugayay garoonka.
"Aad ayaan uigu faraxsanahay macalin Ulric
Mathiot, waa khabiir aad ugu xeel dheer wax barida macalimiinta waana taas mida
keentay in FIFA markii sadexaad noosoo direyso tan iyo 2009-kii—waxaan leenahay
Macalin Ulric kusoo dhawow Soomaaliya una qaado dalkaagii oo kale”ayuu war
saxaafadeed uu soo saaray ku yiri xoghayaha guud Cabdi Qani Saciid Carab wax
yar kaddib markii kahbiirku Muqdisho soo gaaray saakay.
"Qabashada tababar Heer FIFA ah dalka
gudihiisa markii ugu horeysay tan iyo 1986-kii waxaa ay astaan u tahay dib usoo
laabashada nabada Soomaaliya waxaana rajeyneynaa horumar intaa ka balaaran oo
dhinaca nabada iyo degenaashaha ah”ayuu hadalkiisa sii daba dhigay xoghayaha
guud Mr Cabdi Qani Saciid carab.
Tababarkan FIFA ayaa waxaa uu Mqudisho ka
qabsoomi doonaa inta u dhexeysa 15-19-ka bishan waxaana uu daah fur u noqonayaa
dhamaan barnaamijyadii FIFA ee Soomaaliya oo loosoo wareejinayo dalka Soomaaliya
iyadoo muddo kabadan 20 sanadood Soomaaliya ay barnaamijyadeeda ku qabsan
jirtay dalka aanu walaalaha nahay ee Jabuuti. "Jabuuti waligeed waxaa ay ahaan
doontaa dalkeena labaad”ayuu yiri xoghayaha guud Cabdi Qani Saciid Carab.
Sida ku cad jadwal howleedka xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta, waxaa Soomaaliya loo ogolaaday laba tababar oo kale oo heer FIFA ah, kuwaas oo kala ah tababarka caafimaadka iyo tababarka beach soccer-ka.
"Intii uu socdayshir weynihii 63-aad ee FIFA ee lagu qabtay jasiirada Mauritius sanadkan waxaan kulamo la yeelanay waaxda horumarinta FIFA waxaana weydisanay labadaas tababar oo naloo ogolaaday"ayuu hadalkiisa sii daba dhigay xoghayaha guud Cabdi Qani Saciid Carab maanta.
"Ma
ahan oo keliya tababarada laakin waxaan ku rajo weynahay in cayaaraha caalamiga
ahna aan ku qabsano dalkeena, waxaana rajeyneynaa taasi in ay dhacdo marka uu
soo dhamaado dhismaha garoonka Banaadir”ayuu yiri xoghayaha guud Cabdi Qani
Saciid Carab.
Koorsadan FIFA ee dalka gudihiisa lagu qabanayo ayaa kusoo beegmeysa iyadoo dhawaan ururka FIFA uu aqbalay codsigii xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ee ahaa in loo ogolaado barnaamijyad aFIFA oo dhan in uu dalka gudihiisa ku qabsado si looga badbaado kharashaadkii xiriirka kaga bixi jiray safarada dibadaha loogu qaadayo ku dhawaad 40 qof markiiba.