Jadwallada lugta 2-aad ee horyaallada B & C oo lasoo saaray

Wednesday July 03, 2013 - 17:38:51
0 Comments
2866
Super Admin
Guddiga tartamada Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagt ayaa maanta soo saaray jadwallada qeybaha labaad ee horyaallada Heerarka 2-aad iyo 3-aad oo sida ku cad shaxda lasoo saaray dib u bilaabmi doona kaddib dhamaadka bisha barakeysan ee Ramadaan.


Xiriirka ayaa sheegay in sababta tartamadan loo hakinayo bisha Ramadaan ay tahay in shacabka Soomaaliyeed ee cayaaraha xiiseeya ay helaan fursad ay ku daawadaan tartamo dalka oo dhan laga qabto bisha Ramadaanka oo dhalinyaro xaafadeedyadu isku arkaan.

"Kulan guddiga tartamadu uu yeeshay maanta ayaa leyskula afgartay in horyaalka heerka -3aad dib loosii amba qaado 11-ka bisha August halka horyaalka heerka 2-aadna uu isna dib u furmi doono 12-ka bisha August "ayuu war saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay guddoomiyaha guddiga tartamada Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Mudane Cali Cabdi Maxamed (Cali shine).



Mudane Cali shine oo ah masuulka xiriirka Soomaaliyeed ugu qaabilsan howsha dib u dhiska garoonka Stadium Banaadir ayaa dhanka kale sheegay in howshii dib u dhiska garoonka stadium Banaadir ay meel wanaagsan mareyso inti badneydna la qabtay isagoo xusay in uu xiriirku aad ugu rajo weynyahay in horyaalka Heerka 1-aad ee dalka oo furmaya 5-ta bisha September lagu cayaari doono garoon heer caalami ah.

"FIFA ayaan horay ugu gudbinay qoraal aan uga codsanay in ka hor mudada aan u qabanay horyaalka heer-ka 1-aad ay soo dhameystiraan qeybaha yar ee ka harsan dib u dhiska garoonka Stadium Banaadir, waxaana rajeyneynaa in arrintaasi ay hirgashoā€¯ayuu war saxaafadeedkiisa ku sheegay guddoomiyaha guddiga tartamada xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Mudane Cali Cabdi Maxamed ( Cali shine).

NB: Hadii aad dooneysid wareysiyo ku saabsan arrinta garoonka Stadium Banaadir ama tartamada xiriirka ka wac guddoomiyaha guddiga tartamada Cali Shiine Numberradan: Nation Link Telecom: 00252699 460011 ama Horumuud 0025261 5513978


Somali Football Federation Media Department

Email:somalifootballmedia@gmail.com



Leave a comment