Massimo Oddo oo ku biiray kooxda Bayern Munich.!!

Monday September 01, 2008 - 13:24:17
0 Comments
2261
Shaafici Muxyidiin
Difaaca wadanka Talyaaniga Massimo Oddo ayaa goor dhaweyd waxuu si deyn ah ugu biiray kooxda K/cagta ee Bayern Munich ee wadan Germany, waxaana warka oo soo baxay saaka xaqiijiyay tababaraha koxoda Munich Jurgen Klinsmann.

Kaddib markii kooxda Bayern Munich uu shalay ka tegay difaacoodii hore ee garabka dambe ee midigta Marcel Jansen, oo ku biiray kooxda Hamburg ee isla wadanka Germany ayay Mucnih go'aan ku gaartay in ay si deyn ah ku soo qaadato laacibka wadanka Talyaaniga oo kooxda Milan u diyaarineysay in si deyn ah ay ku siiso kooxda Lyon ee wadanka France, kaddib mariii Oddo loo shegay in boos joogta ah aanu ka heli karin kooxda, maadaama ay joogaan booskii ciyaartooyda kala ah Daniele Bonera iyo Gianluca Zambrotta.

"Massimo Oddo waa ciyaaryahan si rasmi ah u buuxin kara difaaca midig ee kooxdeena, dhab ahaanatiina waxaan ka faa'iideysan doonaa wax tarkiisa muuqda iyo khibradiisa buuxda, waa ciyaaryahan xirfadeysan, wuxuuna kooxdeena ku soo kordhin karaa horumar xoog leh ee dhinaca difaaca ah" ayuu yiri Tababaraha cusub ee kooxda Bayren Munich Jurgen Klinsmann oo intaas ku daray "Saxiixa Oddo wuxuu naga bad-baadin karaa halis badan oo kooxdu la kulmi karto".

32-jirka wadanka Talyaaniga Oddo ayaa kooxda Bayern ugu joogi doona hal sano oo deyn ah, waxaana sanad kadib ay labada kooxood mar kale ka tashan doonaan mustaqbalka ciyaaryahanka.



Leave a comment