Wiish iyo Suleyman oo cayaarta finaklka CECAFA Qabanaya

Monday July 01, 2013 - 13:58:53
0 Comments
2622
Super Admin
Ururka kubada cagtga bariga iyo Bartamaha Afrika ee CECAFA ayaa usoo xulay gasooreyaal Soomaaliyeed in ay qabtaan cayaarta kama dambeysta ah ee koobka kooxaha bariga iyo Bartamaha qaarada Afrika oo maanta lagusoo gabagabeynayo dalka Sudan.


Garsoroeyaashan ayaa kala ah Xasan Wiish Xaaji Yabarow oo ah garsooraha dhexda iyo Suleymaan Sheekh Bashiir oo ah calan wadaha labaad ee cayaarta, halka calan wadaha koobaadna uu yahay Mustaf Ibrahim iyo Hashim Adam oo isna ah sarkaalka afaraad waxaanaay labadubau dhasheen dalka Sudan.


Cayaarha finalka ah ayaa waxaa ku baratami doona kooxaha kala ah APR iyo Vital’o, waxaana xusid mudan in labadan garsoore ee Soomaaliyeed ay soo qabteen cayaartii semifinalka ee dhex martay Al Merreikh iyo APR.

 



Xasan Wiish ayay tahay amrkii 3-aad ee cayaar final ah uu qabto, waxaana lagu xusuustaa in sanadkii 2011 oo ahaa sanadkii sii labaad ee uu garsoore caalami ah ahaa uu qaatay abaal marinta garsoraha ugu fiican CECAFA, iyadoo hadana aanay cidi ka xigin maadaama cayaarta finalka ah hadba loo dhiibo garsooraha ugu wanaagsan.

Suleymaan sheikh bashiir oo ah wiil da’yar ayna tahay markii ugu horeysay ee cayaaro noocan oo kale ah uu qabanayo ayaa waxaa uu lasoo if baxay dar dar xoogan waxaana intii cayaarahani socdeen uu calan-wade ka nqday 8 cayaaraood, taasi oo ku timid kadib markii mdaxda CECAFA ay la dheceen shaqadiisa.

Mr. Ntagungira Celestin oo ah madaxa garsooreyaasha CAF ee gobalka bariga iyo Bartamaha Afrika oo lasoo hadlay xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ayaa aad u amaanay Suleymaan yare waxaana uu sheegay in waligiis uusan arkin garsoore bilow ah oo sidi wiilkan oo kale howsha uga soo dhalaalay, waxna la qeysaday kuwii ruug cadaayada ahaa.

"Aad ayaan ugu hami weynahay Suleymaan waxaana rajeynayaa in uu ka mid yahay raga aan isleeyahay magac weyn ayay u soo hoyn doonaan garsoorka CECAFA”ayuu Mr. Celestin u sheegay xiriirka Soomaaliyed ee kubada cagta.

Dhanka kale Caamir Cabdi Xasan oo ah madaxa dhaqaalaha CECAFA ahna masuul ka tirsan xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ayaa sheegay in garsooreyaasha Soomaaliyeed ay sanadkan door weyn ku lahaayeen tartanka CECAFA. Caamir waxaa uu ka mid yahay raga hada tartanka maamulaya.

Somali Football Federation Media Department

Email:somalifootballmedia@gmail.com



Leave a comment