Guddoomiyaha SFF oo shacbaka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabada 1-da July

Monday July 01, 2013 - 04:22:10
0 Comments
2525
Super Admin
Iyadoo dhamaan umada Soomaaliyeed ee caalamka daafihiisa ku kala sugan ay maanta u dabaal dagayaan maalinta qiimaha badan ee madax banaanida Soomaaliya 1-da July oo maanta ku beegan, ayaa guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Mudane Cali Saciid Guuleed Rooble waxaa uu shacbka Soomaaliyeed u diray dhambaal hambalyo ah oo ku aadan sanad guurardaa 53-aad ee kasoo wareegatay dhamaadka waayihii gumeysiga ee dalka Soomaaliya.


"Maanta oo ah 1-da July waa maalin ku weyn shacabka Soomaaliyeed waxaana ay xambaarsan tahay laba munaasabadood oo waaweyn, tan 1-aad waa qaadashadii gobanimada ee gobollada koofureed ee dalka, mida 2-aadna waxaa lagu maamuusaa midowgii gobollada waqooyi iyo kuwa koofureed ee dalka Soomaaliya kuwaas oo hoos joogay gumeysiga awoodo shisheeye oo kala duwan”ayuu guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Mudane cali Saciid Guuleed Rooble ku yiri dhamaabaalkiisa hambalyada 1-da July maanta oo Isniin ah.



"Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta waxaa uu farxadda iyo dabaaldagyada la wadaaagayaa shacabka Soomaaliyeed oo meel kasta oo ay caalamka ka joogaanba qabanaya munaasbado lagu maamuusayo maalintan weyn, waa maalin aad u xusuus mudan sababtoo ah waxaa ay ahayd 1-dii July sanadkii 1960-kii markii Soomaaliya ay dareentay macaanka xorriyada isla markaana noqotay dal si buuxda loo aqoosnaday ugana dhex muuatay maabka aduunka iyadoo ah dal xor ah”ayuu dhambaalkiisa hambalyada ah ku yiri guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Mudane Cali Saciid Guuleed Rooble.

Waxaa uu guddoomiyuhu ku booriyay shacabka Soomaaliyeed in ay iska iloobaan dhibaatooyinkii horay u dhacay isagoo ugu baaqay shacabka in ay u midoobaan danaha qaranka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha ayaa soo qaatay qaar ka mida erayada ay xambaarsan tahay heesta astaanta calanka oo oranaya ( Soomaaliyeey toosoo, Toosoo isku tiirsada ee, Hadba kiina taagdaranee Taageera waligiinee). "Midnimadu waa awood”ayuu yiri guddoomiyuhu.

"Waxaan Allaha awooda sare leh ka baryayaa in uu shacabkeena ka badbaadiyo dhibaatada mudada dheer soo jirtay, waxaana ku rajo weynahay in aan munaasabada tan xigta ugu dabala dagno farxad iyo reyreyn, nabad iyo xasillooni iyo Soomaaliya oo leh awood iyo dowladnimo buuxda”ayuu dhambaalkiisa hambalyada maalinta qaranimada Soomaaliyeed kusoo gabagabeeyay guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Mudane Cali Saciid Guuleed Rooble.

Somali Football Federation Media Department

Email:somalifootballmedia@gmail.com



Leave a comment