CECAFA club cup oo Rubuc dhamaad gaaray

Tuesday June 25, 2013 - 21:10:20
0 Comments
2493
Super Admin
Tartanka Cecafa Kagame club cup ee ka soconaya deegaanada dagaaladu halakeeyeen ee waqooyiga Darfur iyo koofurta Gordofan ayaa soo gaaray rubuc dhamaadkiisii waxaana 8-da kooxood ee usoo baxay ka mida kooxda dalka aanu walaalaha nahay ee Jabuuti ka socota ee Ports FC.


Maanta oo Salaaso ah waa maalin nasasho sida ku cad jadwalka tartanka, waxaana barri oo Arboco ah kooxda Express ee dalka Uganda ka socota ay haleeli doontaa kooxda APR ee dalka Rwanda). Labadooda midi badisa waxay soo fariisaneysaa semifinal tii laga badiyana gurigeeda ayay aadi doontaa.

Isla bari waxaa dheceysa cayaar kale oo ay isku arki doonaan Al-Ahly Shandy iyo Al-Merreikh Al Fasher oo labaduba dalka sudan ka socda kalana matalaya labada magaalo ee cayaaraha marti gelinaya.



Koxoda dalka Jabuuti ee FC Ports ayaa 27-ka bisha la cayaari doonta Vital’O oo Burundi ka socota waxaana isla maalintaas sidoo kale is arki doona Rayon oo Rwanda ah iyo URA oo Uganda ka socota.

Waa markii ugu horeysay taariikhda inta la ogyahay ee kooxda Ports ee dalka Jabuuti ay natiijo ceyn kan oo kale ah ka gaarto tartankan.

Arrintan ayaa kusoo beegmeysa 8 bilood uun kaddib markii uu maamulka sare ee kubada cagta dalka Jabuuti la wareegay guddoomiyaha da’da yar ahna xeer ilaaliye ka tirsan ururka FIFA Mr Souleymaan Xasan Waberi oo doorashadiisii kadib balan qaaday in uu is badal la taaban karo sameyn doono oo xaga horumarinta kubada cagta ah.

Mudane Suleymaan oo muddo dheer dalkaasi looga tixgelin jiray in uu yahay laf dhabarta kubada cagta dalka Jabuuti, waxaa uu juhdi badan ku bixiyay horumarinta kubada cagta dalkiisa muddo ka badan 15 sanadood oo uu soo ahaa kaaliyaha xoghayaha kubada cagta dalka, waxaana loo heytay xiligaa in uu ahaa mashiinka dhaqaajinayay kubada cagta dalka Jabuuti.

"Kooxda Ports waxaan ugu hambalyeynayaa soo gaaritaankooda rubuc dhamaadka tartanka, waxaana u rajeynayaa in ay Finalka soo gaaraan amaba koobka ku guuleystaan Insha Allah—Aniga iyo gudigeyga waxaa naga go’an in horumarinta kubada cagta dalka aan hoos kasoo dhisno, waxaana ilaa iyo hada meel marinay inta badan waxyaabihii aan balan qaaday ee dhanka horumarinta ahaa kuwaas oo ay ka mid yihiin in aanu hirgelinay cayaarta beach soccer oo dalka aan horay looga dheeli jirin”ayuu yiri guddoomiyaha oo la hadlay xafiiska warfaafinta CECAFA.

Dhanka kale guddoomiye Suleymaan Waaberi ayaa aad u amaanay xoghayaha guud ee ururka CECAFA Mr.Nicholas Musonye talaabadii uu cayaaraha ku geeyay gobolada dagaaladu aafeeyene ee dalka Sudan si loo dhiiri geliyo nabda iyo is dhex galka buslahda dagaaladu kala qo-qobeen.

"Musonye waxaa uu door weyn ka cayaaraa Ololaha horumarinta nabada gobolkan bariga iyo bartamaha Afrika—waxaanu ognahay in uu dhawaan ku dhawaaqay in dlaka Soomaaliyana uu geyn doono cayaaraha CECAFA, si loo dhiiri geliyo nabada dalka, aniga oo ku hadlaya magaca xiriirka kubada cagta dalka Jabuuti aad ayaan usoo dhaweynayaa qorshahaas cayaaraha CECAFA lagu geynayo Soomaaliya Musonye-na waanu ku garab istaageynaa hirgelinta arrintaas”ayuu hadalkiisa sii daba dhigay guddoomiyaha xiriirka kubada cagta dalka Jabuuti Suleymaan Xasan Waaberi .

 

Somali Football Federation Media Department

Email:somalifootballmedia@gmail.com



Leave a comment