AL AHLY iyo Al-Hilal oo is garab dhacay iyo Elman oo hartay

Sunday June 23, 2013 - 23:57:44
0 Comments
3189
Super Admin
Iyadoo dalka Sudan uu si xiiso leh uga soconayo tartanka CECAFA Kagame club cup ayaa waxaa shalay galab is arkay kooxaha Al-Ahly iyo Al Hilal oo ka wada dhisan dalka Sudan waxaana cayaartu ay ahayd mid aad u ada labada kooxoodna uu ka dhexeeyay xafiiltan aad u xoogan.


sida caadiga ah cayaaraha aadka u ad adag waxaa loo xulaa garsooreyaal leys leeyahay way ka bixi karaan waxaana cayaartaas shalay qabtay Garsooraha Soomaaliyeed ee caalamiga ah Xasan Wiish Xaaji yabarow oo heysta abaal marinta garsooraha ugu fiican CECAFA.

Cayaarta ayaa qeybta hore waxaa aad u awood sareysay kooxda Al Ahly hase ahaatee qeybtii dambe ayaad moodaa in lala qeybsaday awooda xakameynta cayaarta waxaana ugu dambeyn cayaartaasi ay kusoo idlaatay bar bar dhac 1-1 ah.



Dhanka kale kooxda Elman FC oo ka socotay dalka Soomaaliya ayaa galabta ka hartay tartanka kaddib markii cayaarteedii labaad oo ay yeelatay laga adkaaday inkastoo kooxdu u muuqatay mid labadii cayaaroodba muujisay dadaal iyo karti awoodeed oo ay heysashada kuabada la qeybsaneysay kooxaha kale.

Elman cayaartii hore oo 19-kii bisha ay la yeelatay APR waxay muujisay awood dheeri ah masuuliyiintii cayaartaas daawaneysayna ay sheegeen in ay Elman ka duwaneyd sanadihii hore, balse nasiib darro gool yimid qeybtii dambe ee cayaarta ayaa lagaga adkaaday.

Laakin cayaartii maanta ayaa Elman looga adkaaday 2-0 waxaana taasi ay soo gabagabeysay rajadii Elmanka qabtay in ay sii joogto dalka Sudan oo cayaaraha kasii qeyb qaadato. Waxaa ka adkaatay kooxda Al Merreikh oo ka mida kooxaha ugu awooda badan qaarada Afrika. Kooxda Ports ee dalka Jabuuti ayaa tartankan lasoo if baxday dar dar dheeraada waxaana ay hada leedahay 4 dhiboocd labaddii cayaarood ee ay soo martay oo mid ay badisay midna bar bar dhac gashay.

Kooxdan ayaa waxaa u safan cayaartoy Soomaali ah oo uu ka mdi yahay gool haye Khaalid Cali Mursal oo ka mida raga kooxdu ku tiirsan tahay isla markaana laadad badan oo gool loo maleynayay bad baadiyay. Si kastaba ha ahaatee kooxda Ports ee dalka Jabuuti ayaa cayaata xigta isniinta la yeelaneysa kooxda Express waxaana la rajeynayaa in cayaartaas ay kooxda Reer Jabuuti guul weyn ka keento.


Somali Football Federation Media Department

Email:somalifootballmedia@gmail.com



Leave a comment