Xiriirka kubada Cagta Soomaaliya oo London Qado Sharaf ugu sameeyay guddoomiyaha Jabuuti

Sunday May 26, 2013 - 20:50:51
0 Comments
2929
Super Admin
Wakiilka xaga maamulka ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta u fadhiya dalka Ingiriiska ahna guddoomiyaha ururka White Star Association Dr Cabdi Colaad Raage ayaa hogaamiyay munaasabad qado sharaf ah oo lagu sagootinayay guddoomiyaha xiriirka kubada cagta dalka aanu walaalaha nahay ee Jabuuti ahna xeer ilaaliye ka tirsan FIFA Mundane Suleymaan Xasan Waaberi oo booqasho rasmi ah ku tagay magaalada London halkaas oo uu ka mid ahaa madax ka socotay caalamka oo lagu casuumay daawashada cayaartii finalka ee tartanka UEFA champions league 2013.


Xaflada Qado sharafta ah ayaa waxaa kasoo qeyb galay cayaaryahano hore, macalimiin uu ka mid ahaa macalinka xiriirka kubada cagta Soomaaliyeed u qaabislan isu ururinta ciyaartoyda ku sugan Yurub Macalin Cabdirashiid Islow Axmed iyo taageerayaal ayaa waxaa loogu talagalay in lagu sagootiyo Guddoomiyaha xiriirka kubada cagta dalka Jabuuti Mudane Suleymaan Xasan Waaberi isla markaana looga mahad celiyo wada shaqeynta balaaran oo uu la leeyahay xiriirka kubada cagta dalka Soomaaliya oo tartamadiisa caalamiga ah iyo koosrooyinkiisa heer caalami intaba ku qabsada dalka maadaama Soomaaliya aysan wali ahayn meel ay ka jirto xasiloonidii loo baahnaa oo suuragal ka dhigi karta in lagu marti geliyo cayaaraha heer FIFA, CAF iyo CECAFA .



Tifaftireyaal caan ah oo uu ka mid yahay Maxamuud Ismaaciil ayaa munaasabada kasoo qeyb galay. Sidoo kale guddoomiyaha jaaliyada sportiga Soomaaliyeed ee UK Dahir Cali Kulmiye iyo Mudane Xuseen Deeq oo ka socday Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ayaa munaasabada lagu casuumay iyagoo ku amaanay mudane cabdi Colaad xilka weyn ee uu isi saaray.

Wakiilka maamulka ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta U jooga dalka Ingiriiska Dr Cabdi Colaad Raage oo munaasabadaas ka hadlay ayaa sheegay in isagoo k u hadlaya magaca xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta uu aad ugu faraxsan yahay qaabilaad heerkan oo kale ah in ay u sameeyaan guddoomiyaha kubada cagta dalka Jabuuti Mudane Suleymaan Xasan Waaberi.



"Mudane Guddoomiye waan ognahay in aad u qalantay in lagugu sagootiyo munaasabad ka weyn mida maanta aan u fadhino—waan hubaa in hadii aanu joogi lahayn Muqdisho ama meel kale oo Soomaaliya ka mida in munaabado muddo maalmo ah soconaya aan kuu qaban lahayn inkastoo munaasabadan lafteedu ay ku tusineyso in aan xushmad weyn iyo walaatinimaba u heyno adiga iyo dhamaan shacabka reer jabuuti ee aanu walaalaha nahay”ayuu Dr. Cabdi Colaad Raage ka sheegay munaasabada guddoomiyaha lagu sagootinayay.

"Waxaa marag ma doonto ah in waligiiba uu jiray xiriir wada shaqeyneed oo si weyn u horumarsan oo u dhexeeya xiriirada kubada cagta Soomaaliya iyo Jabuuti---tani ma ahan wax afka uun laga sheegayo, laakin munaasabadan qiimaha badan ee maanta London ka dheceysa ayaa tusaale ugu filan waxa aan soo sheegay, aniga oo ku hadlaya codka labada xiriir ayaana balan qaadayaa in xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya labada xiriir kubad cag ee Jabuuti iyo Soomaaliya uu waligii jiri doono siina xoogeysan doono”ayuu yiri xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Cabdi Qani Saciid Carab oo munaasabada sagootinta qadka teleefonka kaga qeyb galay isagoo Muqdisho ku sugan.

"Aad ayaan ugu faraxsanahay in mutadawiciinta xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ay shaqooyinkooda sii laba laabayaan hadii ay dalka Joogaan iyo hadii ay dibadaha ku sugan yihiin intaba, waxaana ku rajo weynahay in shaqadan wada jirka ah ay gacan weyn ka geysan doonto horumarka kubada cagta dalka”ayuu hadalkiisa sii daba dhigay xoghayaha Guud Cabdi Qani Saciid Carab oo si aad ah ugu mahad celiyay wakiilka maamul ee xiriirka u fadhiya dalka Uk Dr.Cabdi Colaad raage iyo Macalimiinta la shaqeysa Cabdirashiid Islow Axmed iyo Rabiic Muuse.

Dhankiisa ayaa guddoomiyaha xiriirka kubada cagta dalka Jabuuti Mudane Suleymaan Xasan Waaberi waxaa uu bahweynta kubada cagta Soomaaliyeed ku amaanay isku xirnaantooda iyo sida ay uga go’antahay in ay horumariyaan cayaartan dalka Soomaaliya meel kasta oo ay caalamka ka joogaanba.

"Run ahaantii waxaan aad idinkaga mahad celinayaa qaabilaada iyo soo dhaweynta balaaran oo aad ii sameyseen tan iyo markii aan London soo gaaray Jimcihii , dhab ahaantii waxaad itusideen wax aad uga badan intii laga filan karay dad sidiina oo kale dibad joogayaal ah oo dalkoodii hooyo ka maqan—waxaan jeclaan lahaa in halkan aan kaga dhawaaqo in aan aad iyo aad ugu faraxsanahay shaqada aad halkan ka heysaan oo aan la socodo in caruurtiina ka yar 12-ka sanadood ay dhawaan ku guuleysteen koobka tartan loo qabtay caruuraha jaaliyadaha kala duwan ee ku nool London iyo agagaareheeda oo ay koobka soo hooyeen”ayuu guddoomiye Suleymaan Xasan Waabeir ka sheegay munaasabada sagootintiisa.

"Xikmad Soomaaliyeed ayaa waxaa ay oraneysaa ninkii Gurigiisa kaa soora waa rag, laakin ninkii guri kale kaa soora ayaa rag ka roone ah, sidaa daraadeed waxaan anigu qof ahaan idinku tilmaami karayaa geesiyaal wax qabad leh, maadama aad munaasbadan quruxda badan igu sagootineysaan adinkoo dalkiinii aan joogin—waxaan si kastaba ha ahaatee aad ugu qanacsanahay walaalnimada aad ii muujiseen iyo casuumadaha aad ii sameyneyseen tan iyo markii aan imid”ayuu munaasabada sagootintiisa ka sheegay guddoomiye Suleymaan Xasan Waaberi oo kaddibna u baqoolay dhanka Jasiirada Mauritius oo uu kagasoo qeyb geli doono shir weynaha 63-aad ee ururka kubada cagta aduunka ee FIFA.

Soomaaliya iyo Jabuuti iayaa ah laba dal oo walaalo ah, dadkooduna ay ka siman yihiin dhinacyada diinta, dhaqanka, luqada iyo midabka, waxaana taasi ay keentay in xiriirka kubada cagta Soomaaliya uu jabuuti ku qabsado cayaaraha caalmiga ah iyo kooroosyinka si shuruud la’aan ah isla markaana aanay la kulmin wax xanibaado ah.











Somali Football federation media department

email:somalifootballmedia@gmail.com



Leave a comment